Burkina Faso oo $18 Bilyan Ka Heshay Macdanta Dahabka Tan iyo Markii Ibrahim Traoré Xilka La Wareegay

Image

Ouagadougou – Dowladda Burkina Faso ayaa sheegtay inay soo xareysay $18 bilyan oo doolar oo ah dakhli kasoo xarooday macdanta dahabka tan iyo markii Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, Captain Ibrahim Traoré, uu la wareegay talada dalka sanadkii 2022.

Ibrahim Traoré oo xilka la wareegay kadib afgambi militari ayaa sheegay in kheyraadka dalka, gaar ahaan dahabka, ay hadda u adeegayaan shacabka Burkina Faso, halkii ay horey uga faa’iideysan jireen shirkado ajaanib ah iyo kooxo gaar ah.

Wasiirka macdanta ee dalkaas ayaa sheegay in daqligan uu qeyb muhiim ah ka yahay dadaalka dowladda ee lagu xoojinayo dhaqaalaha, iyadoo la maalgelinayo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo ammaanka.

Burkina Faso, oo ah mid ka mid ah dalalka ugu badan ee dahabka laga qodo Afrika, ayaa wajahaysa caqabado amni iyo dhaqaale, balse maamulka hadda jira ayaa sheegaya in ay doonayaan in shacabka dalkaasi ay si toos ah uga faa’iidaystaan khayraadkooda dabiiciga ah.

Si kastaba ha ahaatee, khubarada qaar ayaa su’aalo ka keenay daahfurnaanta iyo sida dhab ah ee dakhligaas loo maareeyo, iyagoo ku baaqaya in la sameeyo isla xisaabtan iyo warbixin rasmi ah oo ay helaan shacabka dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM