Cabsida laga qabo isku dhaca gobolo ka tirsan Itoobiya oo korortay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Xiisadda Amxaaradda iyo Tigreeya, laba kamid ah gobolada ugu awoodda Itoobiya, ayaa sii kordheysa xilli dalkaas uu sanadka dambe galayo doorasho, sidda ay warbixin ku sheegtay hay'adda ICG.

Gobolka waqoyga dhaca ee Tigreeyga, oo dalka maamulayey ku dhowaad soddon sano, waxaa si gooni ah ula macaamishay dowladda dhexe ee Addis Ababa, taas oo sarre u qaadey walaaca isku dhaca yimaada.

Labada gobol oo wadaaga xuduud lagu loolamayo ayaa ku khilaafsan dowladda goorta la qorsheeyay in ay dhacaan doorashooyinka.

Tartanka qowmiyadaha iyo xisbiyadda Itoobiya waxaa soo shaac-bixiyey dowladda uu dhisay ra'iisul wasaare Abiy Axmed, gaar ahaan isbedelka siyaasadeed iyo midka bulsho oo uu balan-qaadey maamulkiisa.

Balse muranka ka jira goboladda Amxaaradda iyo Tigreeyga, sidda ay warbixinta cusub xuseyso, waxay "si fudud ku karaarsiin kartaa loolanka iyo waddaniyadda ku dhisan qowmiyadaha ee ka jirta labadaas gobol".

William Davison, falanqeeye sarre oo International Crisis Group u qaabilsan Itoobiya, ayaa sheegay in Amxaaradu rumeysan tahay in degaano badan si gaar ah Wolqait iyo Raya ay kala wareegtay dowladdii Tigreeyga ee 1990.

"Dhibaatadda waa mid soo jirtay oo la sameeyay sanado kahor," ayuu u sheegay VOA. "Waxaa karkariyey banaanbaxyadii ugu caansanaa ee looga soo horjeeday dowladda [intii u dhaxeysay 2016 iyo 2018]. Wali ma aysan dhamaan, waana mid kamid ah xariiqooyinkii ugu weyn ee xoojiyey khilaafaadyadda u dhaxeeya gobolada Itoobiya," ayuu ku daray.

Sidda laga soo xigtay xeel-dheeraha, xiisadda waxaa meel sarre gaarsiiyey hanjabaada xisbiga Tigreeyga ee ah in ay doorasho gaar ka qabanayaan gobolkooda, arrintaas oo dowladda dhexe ay ka digtay.

Qorshayaasha lagu qabanayo codbixinta ayaa horseeday in siyaasad ahaan Tigreeyga iyo Amxaarada ay qaataan mowqif adag oo dhinac walba ah, sidda daboolka looga qaadey warbixinta, oo hoosta ka xariiqdey digniin dhowaan uu soo saaray ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo tibaaxay in ficil caynkaas oo kale ah uu "dhibaato u sababi karo waddanka iyo shacabka Itoobiya".

Davison ayaa carabka ku adkeeyay "in uu sii xumaanayo kalana soo durgayaan xiriirka u dhaxeeya gobolada iyo dowladda federaalka Itoobiya".

Warbixinta hay'adda ICG ayaa soo jeedisay wadahadalo ay dowladda dhexe la furto goboladda "si looga fogaado iska hor-imaad ka dhaca degaanadaas".

Dhanka kale, ma jirto wax jawaab ah oo dowladda iyo maamuleyaasha goboladda ay ka bixiyeen warbixinta ay soo saartay International Crisis Group.

Dowladda Abiy Axmed oo dhowaan muddo kordhin hal sano ah loo sameeyay sabab la xiriirta safmarka Covid19 ayaa wajaheysa culeys ku saabsan siddii ay go'aankaas ugu qancin lahayd xisbiyadda oo si cad uga soo horjeestay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM