Cameroon: Madaxweynaha ugu da'da weyn Caalamka oo 40 sano kadib xukunka wareejinaya

Image

YAOUNDÉ, Cameroon – Dalka Cameroon ayaa doorashada madaxtinimada qaban doona 12-ka Oktoobar 2025, sida lagu sheegay digreeto uu saxiixay Madaxweynaha muddada dheer xilka haya, Paul Biya, Jimcihii.

Doorashadan ayaa lagu go’aamin doonaa cida hogaamin doonta waddankan qani ku ah soosaarka kookaha iyo saliidda, oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 30 milyan oo qof, muddada xigta ee toddobada sano ah.

Sida uu dhigayo xeerka doorashada ee dalkaasi, musharrixiinta u tartamaya madaxtinimada waa in ay soo gudbiyaan codsiyadooda muddo 10 maalmood gudahood ah kadib marka la iclaamiyo kulanka golaha doorashada.

Paul Biya, oo 92 jir ah, ayaa ah hoggaamiyaha ugu da’da weyn ee weli xil haya caalamka, isagoo xilka hayay tan iyo sanadkii 1982. Ilaa iyo hadda ma cadda in uu markale isu soo taagi doono xilka madaxtinimada.

Sanadkii 2018, Biya waxa uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo isagoo helay in ka badan 70% codadkii la tiriyay, hase yeeshee doorashadaas waxaa hareeyay eedeymo la xiriira musuqmaasuq, khaladaad la xiriira habka codbixinta iyo ka qaybgal hoose oo ay sababtay rabshadaha ay wadaan jabhadaha gooni-u-goosadka ah iyo kooxaha xagjirka ah.

Isbeddel dastuur ah oo dhacay sanadkii 2008 ayaa meesha ka saaray xadka muddada xilka madaxweynaha, taas oo u oggolaatay Biya inuu si aan xadidneyn xilka mar kale ugu tartamo.

Madaxweyne Biya ayaa inta badan caafimaadkiisu liitaa waxaana marar badan lagu arkaa isbitaallo dibadda ah, taasoo keentay warar xan ah oo sanadkii hore sheegayay inuu geeriyooday — war uu si cad u beeniyay dowladda.

Musharraxa ugu weyn ee la filayo inuu la tartamo Biya waa Maurice Kamto, oo si joogto ah dalka uga wado olole siyaasadeed, inkasta oo uu wajahayo cabsi gelin iyo xayiraadyo kaga imaanaya booliska. Dhacdadii ugu dambeysay waxay ahayd kadib markii uu kasoo laabtay safar uu ku tagay Yurub, halkaas oo boqolaal boolis ah ay ka hor istaageen inuu ka baxo xarunta xisbiga si uu u qabto isu soo baxyo ka dhici lahaa magaalada Douala.

Doorashada soo socota ayaa laga yaabaa inay noqoto mid taariikhi ah, maadaama Cameroon oo xorriyadda ka qaadatay Faransiiska sanadkii 1960 ay tan iyo markaas heshay laba madaxweyne oo kaliya – mid ka yimid koonfurta kirishtaanka ah iyo mid ka yimid waqooyiga Muslimiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM