Ciidamo careysan oo xorriyada ka qaadey madaxda sarre ee Mali

Image

BAMAKO, Mali - Cutubyo kamid ah ciidamadda Mali oo gadood-sameeyay ayaa "xorriyadda ka qaadey" madaxweyaha dalkaas ee Ibrahim Boubakar Keïta iyo ra'iisul wasaarihiisa Soumeylou Boubèye Maïga.

Xilli saraakiisha reer Galbeedku ku qeexeen talaabadan "afgembi," qulqulatooyinkan waxay kasoo bilowdeen xero ciidan oo magaala madaxda u jirta 15 KM, halkaasoo ay rasaas teel-teel ah ka ridayeen.

Askarta hareereeyay hoyga madaxda iyo mas'uuliyiin kale oo aad ugu dhowaa ayaa horey u codsaday in ay xafiiska baneeyaan si loosoo afjaro qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay doorashada.

Keïta oo 2018-kii ku guuleystay xilka markii labaad isla markaana ay saddex sano uga harsan tahay in uu mar saddexaad tartamo ayaa wajahaya cadaadis ah in uu xafiiska badaneeyo.

Mucaaradka oo dhowr jeer diiday wadaxaajood lagu dhisayo dowlad midnimo Qaran ah ayaa cuskaday in xukuumadda talada haysa ay fashilantay isla markaana uu jilbaha dhulka u dhigay musuq.

Ururka Midowga Afrika oo walaac ka muujiyey xaalada hubanti la'aanta ah ee kasoo cusboonaatey Mali ayaa sheegay in uu si xoogan u cambaareynayo xariga madaxweynaha iyo mas'uuliyiinta kale.

ECOWAS, oo ah ururka ay ku mideysan yihiin wadamada ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika, ayaa ugu baaqay ciidamada in ay ka fogaadaan wax kasta oo xukunka gacanta u dhigaya milatariga.

Dowladda Faransiiska oo sheegtay in ay si kulul u cambaareyneyso dhacdooyinkan ayaa ku boorisay ciidamadda in ay ku laabteen xerooyinkooda isla markaana u ogolaadaan madaxda in ay xor noqdaan.

Inta illaa haatan la og-yahay, gadoodka ciidamadda waxaa hogaaminaya Malick Diaw, taliye ku xigeenka saldhiga Kati iyo Sadio Camara oo ah Jeneraal kale oo ciidanka kamid ah, kuwaasoo si furan u hadlay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM