Ciidan Itoobiyaan ah oo ka gudbay xadka Kenya iyo xiisad dagaal oo ka dhalatay

Image

Moyale, Kenya — Sabtidii shalay ayaa waxaa ka dhacay xaalad amni oo halis ah xadka Kenya iyo Itoobiya ee degmada Moyale, kaddib markii ciidamo ka tirsan militariga Itoobiya lagu soo waramay inay ku dhawaad hal kiiloomitir u soo gudbeen dhulka Kenya, iyagoo isla markaana rasaas furayay.

Ciidanka soo tallaabay oo ka yimid dhanka deegaanka Sesii ayaa la sheegay inay u soo dhowaadeen laba kiiloomitir gudaha magaalada, gaar ahaan agagaarka Saldhigga Booliska Moyale, taas oo keentay in cutubyo ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya ay markiiba ka falceliyaan, iyagoo rasaas ku jawaabay.

Warbixin rasmi ah oo laga diiwaangeliyay Saldhigga Booliska Moyale (OB No. 32/22/11/2025) ayaa tilmaamaysa in ciidamada Kenya Police, Administration Police Service, iyo Border Patrol Unit ay ku dhaceen iska-horimaad muddo ku dhow laba saacadood socday oo ay kula dhaqaaqeen ciidanka Itoobiya ee soo galay xadka.

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa markii dambe ku biiray howlgalka, waxaana ugu dambeyntii lagu guuleystay in ciidamada Itoobiya dib loogu celiyo xadka. Lama oga sababta ay Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ugu kaceen tallaabadan sharci-darrada ah.

Inkasta oo rasaas badan la isdhaafsaday, ma jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada Kenya.

Hase yeeshee, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dhacdada ay ka dambeyn karto dil horay uga dhacay dhanka Itoobiya, kaas oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa koox Kenyan ah oo ka hawlgasha xadka, arrin laga cabsi qabo inay saamayn ku yeelato xiriirka labada dal.

Xaaladdu weli waa mid kacsan, iyadoo ay dhacdadan timid bilaha kadib markii Taliyaha KDF Jen. Charles Kahariri uu Addis Ababa kula saxiixday Taliyaha Ciidanka Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah. Kenya iyo Itoobiya ayaa horey ugu caan ahaa iskaashi dhow oo amniga ku saabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay inay iska difaacayso “duullaan ballaaran” oo Eritrea ku soo qaaday

Dagaallada dib u soo cusboonaaday ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in gobolka Geeska Afrika uu galo dagaal ballaaran.

  • Afrika

    10-10-2026

  • 11:27AM

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM