Dad ku dhintay dhisme kusoo dumay caasimadda dalka Nigeria

Image
Afhayeenka booliiska Abuja Josephine Adeh ayaa sheegtay in shan qof laga soo badbaadiyay burburka.

NAIROBI, Kenya - Dhisme ku dumay xaafad ka tirsan caasimadda waddanka Nigeria dhamaadkii todobaadkii lasoo dhaafay ayaa sababay geeridda toddobo qof, sidda ay booliisku sheegeen.

Dhismahan oo ku yaalla xaafadda Sabon-Lugbe ee magaalada Abuja, ayaa mar horeba qayb ahaan la dumiyay, waxaana dhismihiisa sii xumaaday kooxo doonaya inay biro iska soo ururiyaan, sida uu sheegay booliiska Abuja Isniintii.

Afhayeenka booliiska Abuja Josephine Adeh ayaa sheegtay in shan qof laga soo badbaadiyay burburka Axadii.

Dhismayaasha dumay ayaa ku soo badanaya dalka Nigeria, iyadoo in ka badan 12 shil oo noocan oo kale ah la diiwaan geliyay labadii sano ee la soo dhaafay.

Maamuladu waxay inta badan ku eedeeyaan masiibooyinkan oo kale inay sabab u tahay guul darradu inay dhaqan geliyaan xeerarka badbaadada dhismaha iyo dayactirka oo liita.

Nigeria, oo ah dalka ugu dadka badan Afrika, ayaa diiwaangeliyay 22 dhismo oo dumay intii u dhaxaysay Janaayo iyo Luulyo ee sanadkan, sida uu sheegay Golaha Xeerarka Injineerinka ee Nigeria.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM