Dagaalame Al-Shabaab ah oo ku nafwaayey qarax uu maleegayey

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska Kenya ayaa maanta shaaciyey in dagaalame Al-Shabaab ah uu ku dhintay qarax uu doonayey in uu ku aaso meel ku dhow xuduudka Soomaaliya gaar ahaan nawaaxiga Mandera.

Rono Bunei, taliyaha booliska waqooyi barri oo dhacdada xaqiijiyey, ayaa sheegay in ka dhacday degaanka Geneva isla markaana aysan jirin cid kale oo shacab ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay falkaas.

"Waxaan rumeysanahay in uu doonayey in uu ku beegsado saraakiisha ciidamadda ee adeegsaneysa degaanada miyiga, balse miinada waxay dishay naftiisa," ayuu hadalkiisa intaas ku daray.

Taliyaha ayaa ka dhawaajiyey in maalmihii lasoo dhaafay ay sarre u qaadeen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab si ay uga hortagaan falal liddiga ku ah nabad-gelyadda oo qaraxyadu kamid yihiin.

"Waa run ma joojin karno dhacdooyinkan oo kale. Balse, annagoo kaashaneyna dadweynaha waxaan ku dedaaleynaa in aan xaqiijino amniga wadooyinka," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay taliye Bunei.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo la xiriira sheegashadda booliska Kenya oo kasoo baxay xoogaga gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida oo dhowr weerar oo noocaan ah ka fuliyey gudaha waddankaas.

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii ciidamadda la dagaalanka argagixisadda Kenya ay soo xireen laba qof oo lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab, kuwaas oo lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa sida baaruud.

Tan iyo markii ciidamadeeda ay kamid noqdeen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, Kenya ayaa la daalaadhaceysa iska caabinta weerarada kooxda argagixisada ah oo galaafatay nolosha boqolaal rayid u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM