Dilal wadareedyo mar kale kasoo cusboonaaday waddanka Suudaan

Image
Colaadda Suudaan ee soconeysa mudada 18-ka bilood ah ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof.

KHARTUUM, Suudaan - Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku sugan dalka Sudan ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay wararka sheegaya "dambiyada foosha xun" ee ka dhacay bartamaha gobolka Gezira, oo ay ku jiraan dad rayid ah oo ay laayeen ciidamada Rapid Support Forces (RSF).

Hadalka Clementine Nkweta-Salami ayaa yimid ka dib markii koox u ololeysa bini'aadantinimada ay sheegtay in ugu yaraan 124 qof ay RSF ku dishay weeraro ay ku qaaday tuulooyin usbuucii la soo dhaafay.

RSF ayaa beenisay in ay beegsatay dadka rayidka ah, iyadoo sheegtay in dagaalyahanadeeda ay isku dhacayaan maleeshiyaad hubeysan oo ay ciidamadu wataan.

Colaadda Suudaan ee soconeysa mudada 18-ka bilood ah ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof, waxaana ku barakacay in ka badan 11 milyan oo qof.

Colaadda Suudaan ayaa billowday Abriil 2023 ka dib markii ay isku dhaceen taliyeyaasha RSF iyo militariga, Gen Mohamed Hamdan Dagalo iyo Gen Abdel Fattah al-Burhan siday u kala horreeyaan.

Labaduba waxay si wada jir ah u sameeyeen afgambi 2021, taas oo meesha ka saartay u guuritaanka Suudaan ee dimoqraadiyadda, laakiin ka dib waxay galeen loolan awoodeed oo xun.

Sikastaba ha ahatee, Labada hogaamiye ayaa diiday inay saxiixaan heshiis nabadeed, inkastoo Mareykanka iyo Sacuudiga ay isku dayeen inay soo afjaraan colaada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM