Diyaarad ay leeyihiin ciidamadda difaaca Kenya oo burburtay

Image
Image

NAIROBI, Kenya – Diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah [helicopter] ayaa Isniinta maanta ah ku burburtay degaanka Kithyoko, ismaamulka Machakos ee dalka Kenya, sidda ay warisay warbaahinta maxaliga ah.

Taliska Ciidamadda Difaaca Kenya ayaa qirtay in diyaaradda ay iyagu leeyihiin. Nooca diyaaradda waa Hughes 500MD. Laba qof oo ahaa duuliyeyaasha ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen shilkaan.

Illaa iyo haatan, lama ogga sababta dhabta ah ee keentay in ay soo dhacdo diyaaradda. Balse, saraakiisha waxay sheegeen in ay baaris bilaabeen.

Ciidamada Kenya ayaa inta badan diyaaradaha noocaan ah u adeegsada in ay kusoo daabulaan cunooyinka iyo adeegyadda kale ee muhiimadda u leh iyaga.

Karanja Muiruri, oo kamid ah saraakiisha ciidamadda ee ku sugan Machako, ayaa tibaaxay in ay gurmad deg-deg ah u direen meesha ay wax ka dhaceen kadib markii uu soo gaarey warka burburka diyaarada.

"Abaare 11:30 barqinimo ayuu dhacay shilka, waxaana warbixinta nasoo gaarsiiyey dadweynaha. Ciidamadda gurmadka deg-deg ah waxay ku gaareen meesha muddo 20-daqiiqo ah," ayuu tibaaxay.

Diyaaradda burburtay ayaa kamid ahayd lix xabo oo bishii Janaayo uu taliska kasoo iibsaday Mareykanka, waxaana loogu talagalay in loo adeegsado howlgalada gudaha iyo baacsiga argagixisada.

Bishii lasoo dhaafay ee June 13-keeda ayay ahayd markii diyaarad hilikobter ay shil ku gashay tuulada Kaithe Kithoka ee ismaamulka Meru. Diyaaradaas burburtay waxay ku diiwaan-gishaneyd sumadda 5Y NPW.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay inay iska difaacayso “duullaan ballaaran” oo Eritrea ku soo qaaday

Dagaallada dib u soo cusboonaaday ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in gobolka Geeska Afrika uu galo dagaal ballaaran.

  • Afrika

    10-10-2026

  • 11:27AM

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM