Diyaarad ku dhacday Deegaan u dhow Nairobi, Dadna ay ku dhinteen

Image

Nairobi, Kenya – Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad gurmad degdeg ah (air ambulance) ah ay kusoo dhacday deegaan la dego oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi, sida ay sheegtay shirkadda iska leh diyaaradda.

Diyaaraddan oo ahayd nooca Cessna Citation XLS, ayaa waxaa iska lahaa AMREF Flying Doctors, waxayna ka duushay garoon ku yaalla Nairobi iyadoo u socotay dhanka Somaliland, sida lagu sheegay war rasmi ah oo shirkaddu soo saartay.

AMREF Flying Doctors ma aysan caddeyn tirada dadka dhintay markii hore ama sababta keentay shilka, balse waxay sheegtay in ay si buuxda ula shaqeynayso hay’adaha duulista iyo kooxaha gurmadka si loo ogaado waxa sababay shilka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxaha gurmadka degdegga ah ee Kenya Red Cross ay si dhaqso leh uga jawaabeen, iyagoo gaaray goobta shilka oo ku taalla degmada Kiambu, taasoo xuduud la leh Nairobi.

Markii hore, Kenya Red Cross waxay sheegtay in diyaaradda dhacday ay ahayd helicopter, balse wararka dambe ayaa xaqiijiyay in ay ahayd diyaaradda Cessna Citation XLS.

Wargeyska maxalliga ah ee The Star ayaa sheegay in ciidamada milateriga iyo booliska ay si degdeg ah u gaareen goobta shilka isla markaana ay xireen aagga si looga hortago khataro kale.

Mas’uuliyiinta dowladda Kenya wali faahfaahin kama aysan bixin shilka, waxaana la sugayaa warar dheeraad ah oo rasmi ah.

Wixii kasoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canshuuraha Cusub ee Trump oo Saameysay Dalal Badan oo kamid ah Afrika

Lesotho ayaa markii hore wajahaysay canshuur dhan 50%, balse markii dambe waxaa loo dhigay 15%.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 04:41PM

Kenya: Bas Sidday Dad Aas Ka Soo Qaybgalay oo Ku Rogmaday

Mas’uuliyiinta ayaa ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto ammaanka waddooyinka si looga hortago dhacdooyin naxdin leh oo kale.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 09:47AM