Donlad Trump oo Kenya u sameeyay balanqaad ka dhan ah Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Danjiraha Kenya u jooga Qaramada Midoobay, Lazarus Amayo, ayaa Jimcadii, 17-ka July, wuxuu la kulmay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, sidda ay warisay warbaahinta maxaliga ah.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saarey sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal gaar ahaan ganacsiga iyo qaabka Kenya isaga caabin karto khataraha kaga imaanaya maleeshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab.

Amayo iyo Trump oo ku kulmay Aqalka Cad ee Washington ayaa adkeeyay baahida loo qabo in dhinacyadda xoojiyaan iskaashigooda la dagaalanka xoogaga gacansaarka la leh urur-weynaha Al-Qaacida.

Sidda ay tabineyso warbaahinta, Trump ayaa balanqaaday in maamulkiisa ka caawin doono dowladda Kenya ee uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta sidii ay u baajin lahayd weeraro ay mustaqbalka qaado Al-Shabaab.

"Sidoo kale, Trump wuxuu xaqiijiyey in ay ka go'an tahay taageerada dhismaha ciidamadda badda ee Kenya," ayay xuseen saxaafada.

Dhanka kale, Trump oo isla maalintaas qaabilay safiiro cusub ayaa tibaaxay in ku guuleysiga Kenya ee xubinimada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ay xoojin doonto iskaashiga iyo xiriirka labada waddan.

Al-Shabaab ayaa ah halista ugu weyn ee ammaanka Kenya tan iyo ciidamada dalkaas ay kamid noqdeen howlgalka AMISOM, waxaana gudaha waddankaas ay ka fulisay weeraro galaaftay tobanaan askar iyo rayid.

Mareykanka oo ah xulafada ugu weyn ee saaxiibada caalamka ayaa la dagaalankiisa dagaalameyaashan waxaa uu isugu jiraan howlgal dhulka iyo cirka ah, wallow muddooyinkii ugu dambeeyay uu hakad ku yimaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM