Dowladda Jabuuti oo ku gacansayrtay dalab kaga yimid Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Jabuuti ayaa gaashaanka ku dhufatay codsi ku aadan in ay ka tanaasusho tartanka ay kula jirto Kenya ee la xiriira kursiga Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, sidda uu qoray The Africa Report.

Coddeynta ayaa qorshuhu yahay in ay dhacdo Arbacada 17-ka bisha June, iyaddoo la sheegay in natiijadda kasoo baxda ay saameyn ku yeelan doonto xaalada gobolka Geeska Afrika oo wadamada ay ku loolamayaan.

Midowga Afrika ayaa isku raacay in Kenya ay matasho qaaradda, hase ahaatee, waxaa talaabadaas "sharci darro" ku tilmaamtay Jabuuti.

Dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku doodeysa in Kenya ay kaga dambeysay xubinimadda golaha awooda badan, waxaase sheegashadaas hoos u dhigtay xukuumadda Nairobi.

Ruushka, Shiinaha, qaar kamid ah dalalka ku hadla Afka Faransiiska iyo Carabta oo ay ku jirto Soomaaliya ayaa si buuxa u taageeraya Jabuuti.

Midkood – Jabuuti iyo Kenya – dalka soo baxa oo bedeli doona South Afrika waxay ku biiri doonan Mexico, India, iyo midkood Canada/Ireland/Norway oo noqonaya wadamada ku cusub golaha.

Xubinimadda Golaha Ammaanka UN-ka ayaa wadamadda siineysa madal ay ku iibin karaan danahooda qaranka maadaama goluhu yahay meesha laga hago ammaanka, nabadda iyo guud ahaan siyaasadda caalamka.

Kenya iyo Jabuuti ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay wadday olole ay ku baadigoobayaan codadka wadamadda xulafadda la ah, waxaana muuqaneysa in tartankooda diblumaasiyadeed uu dhamaad ku dhow yahay.

Sikastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa waxay kamid ahayd meelaha loolanka aadka looga dareemay, hase ahaatee, xukuumadda haatan jirta ee Muqdisho waxay si shaac-baxsan u garab istaagtay Jamhuuriyadda Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM