Eritrea iyo Imaaraadka Carabta oo heshiis kala saxiixdey

Image

ASMARA, Eritrea – Madaxweyne Isias Afwerki, ayaa shalay la kulmay dhaxal-sugaha Abu Dhabi, ahna ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamadda Imaaraadka, Sheekh Maxamed bin Zaid Al Nahyan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarey iskaashiga mashaariicda horumarineed ee socda gaar ahaan dhanka Tamarta iyo Beeraha, sidda uu sheegay Yemane Gebremeskel, wasiirka warfaafinta Eritrea.

Sidda laga soo xigtay Gebremeskel, labadda dal ayaa isku raacay mashaariicyo horleh oo lagu xoojinayo cilaaqaadka Tamarta iyo Beeraha.

Dhinacyadda ayaa si lamid ah waxay isla soo qaadeen xaaladda gobolka iyo ahmiyadda ay leedahay in si qoto dheer loo eego.

Afwerki ayaa sidoo kale la kulmay Sheekh Mensour Bin Zaid Al-Nahyan, ku xigeenka ra’iisul wasaaraha ahna Wasiiru Dowladaha Madaxtooyadda, sidda ku xusan war-saxaafadeed.

Is-araggan ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay iskaashi ay ka yeeshaan wadamada iyo xaaladihii u dambeeyay ee Yemen.

Wada-hadaladan ayaa kusoo aadaya iyaddoo ay soo if-baxayaan warar sheegaya in Eritrea ay ciidamo ku biirineyso howlgalka xulafadda Carbeed kawadaan Yemen ee ka dhanka ah falaada Xuutiyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM