Eritrea oo Si Rasmi ah Uga Baxday IGAD, Eedeymo Cusubna Jeedisay

Image

Asmara, Eritrea — Dowladda Eritrea ayaa si rasmi ah ugu wargelisay Urur Goboleedka IGAD in ay ka baxayso ururka, sida uu Jimcihii sheegay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in go’aanka ka bixitaanka uu ka dhashay “ku fashilanka IGAD ee waajibaadkeeda” iyo sida ay u adeegsato ururka, iyadoo lagu eedeeyey in uu u adeegay dano ka dhan ah dalal xubno ka ah, gaar ahaan Eritrea.

Eritrea ayaa xustay in ay door muhiim ah ka ciyaartay dib-u-habayntii IGAD ee 1993, isla markaana ay la shaqeyn jirtay dalalka xubnaha ka ah si loo xoojiyo nabadda, xasilloonida iyo isku-xirka dhaqaale ee gobolka.

Hase yeeshee, wasaaradda ayaa sheegtay in jihada IGAD ay isbeddeshay tan iyo 2005, iyadoo eedeysay in ururku noqday “qalab loo adeegsado beegsiga dalal gaar ah.” Arrimahaas ayaa sababay in Eritrea ay joojiso ka mid ahaanshaha ururka 2007.

Asmara ayaa dib u soo celisay xubinnimadeeda June 2023, iyada oo rajaynaysay in IGAD ay qaado dib-u-habayn lagama maarmaan ah oo ay saxdo khaladaadkii hore. Laakiin war-saxaafadeedku wuxuu sheegay in IGAD “ay weli ku guuldarreysanayso fulinta waajibaadkeeda,” taasoo hoos u dhigtay muhiimaddeeda iyo sharciyaddeeda.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Eritrea “ay ku qasbanaatay” in ay ka baxdo urur aan wax faa’iido ah u hayn dalalka xubnaha ka ah, isla markaana aan wax ka tarayn xasilloonida gobolka.

Dhinaceeda, IGAD ayaa sheegtay in ay ka xun tahay go’aanka Eritrea ee ka bixitaanka ururka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mali, Burkina Faso iyo Niger oo sameeyay isbahaysi milatari oo la mid ah NATO

Isbahaysigan cusub ayaa lagu sheegay inuu ka jawaabayo caqabadaha amni ee sii kordhaya ee ka dhanka ah dowladaha gobolka.

  • Afrika

    22-12-2025

  • 08:01AM

Kenya oo Walaac ka Muujisay Shabakadaha Dhalinyarada u Diraya Dagaalka Ukraine

Dowladda Kenya ayaa hadda ballanqaadday in ay adkeyn doonto kormeerka hay’adaha shaqooyinka dibadda u dira dadka.

  • Afrika

    21-12-2025

  • 09:27AM