Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Image

NIGERIA - Koox hubeysan ayaa weerar bahalnimo ah ku qaaday dugsi sare oo gabdho loogu talagalay oo dawladdu leedahay, kuna yaalla gobolka Kebbi ee waqooyi-galbeed ee dalka Nigeria.

Booliska gobolka Kebbi ayaa xaqiijiyay in kooxda hubeysan ay dileen maamule-ku-xigeenkii dugsiga, isla markaana ay afduubteen 25 gabdhood oo ardayad ah oo halkaas ku noolaa (boarding school).

Weerarkan ayaa kusoo aadaya iyadoo weli ay sii socdaan afduubyada tirada badan ee ka dhaca waqooyi-galbeed ee Nigeria, gaar ahaan kuwa lagu bartilmaameedsado dugsiyada iyo ardayda.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in ciidamada booliska iyo milatariga ay bilaabeen howlgallo ballaaran oo ay ku doonayaan inay ku soo badbaadiyaan gabdhaha la afduubtay lana soo qabto kooxda weerarka geysatay.

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan. Ma jirto cid illaa hadda sheegatay mas'uuliyadda afduubka.

Kooxaha hubeysan ayaa beegsanayey carruurta iskuulada tan iyo 2014-kii, markaas oo Boko Haram ay ka afduubatay 276 arday degmada Chibok ee gobolka Borno. Afduubkaas wuxuu bilow u ahaa marxalad cusub oo cabsi ah, waxaana weli jiraan qaar badan oo aan la sii deyn.

Tan iyo afduubkii Chibok, ugu yaraan 1,500 arday ayaa la qafaashay, iyadoo kooxaha hubeysan ay afduubyada u arkaan hab lacag lagu helo oo lagu maalgeliyo dambiyo kale, islamarkaana lagu caburiyo tuulooyinka ku yaal gobolka khayraadka leh balse si liidata loo ilaaliyo. Bishii Maarso 2024, in ka badan 130 arday ayaa la badbaadiyey ka dib markii ay ku jireen in ka badan laba toddobaad oo ay afduub ahaan ugu hayeen gobolka Kaduna ee Nigeria.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM