Geelle iyo Keating oo ka wada hadlay Colaadda Tukaraq

Image

JABUUTI - Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wuxuu Isniintii shalay Madaxtooyadda ku qaabiley Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating, oo booqasho ku jooga dalkiisa.

Geelle iyo Keating ayaa waxay si qoto dheer ay uga wada hadleen xaalada Soomaaliya, gaara ahaan amaanka, siyaasadda, howlgalka AMISOM iyo xiisadda ka dhaxeysa Puntland iyo Somaliland.

Keating ayaa wuxuu ugu horeyn uu uga warbixiyay Keating Madaxweyne Geelle xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, isagoo u sheegay inkasta ay jiraan caqabado badan, balse horumaro la sameeyay ay jiraan.

Kulan labadda mas'uul ayaa waxaa si wayn looga hadlay xiisadda colaadeed ee ka dhaxeysa Puntland iyo Somaliland, taasoo salka ku haysa maamulka gobolada Sool, Sanaad iyo Cayn [SSC].

Keating iyo Geelle ayaa isla qiray inuu dhiig-daata aysan ahayn mid wanaagsan, islamarkaana loo baahan yahay inay ku xaliyaan labadda maamul wax walboo ay kala tabanayaa wadahadal.

Waxay ugu baaqeen dhinacyadda isku haya deegaanada SSC inay xabada ay joojiyaan, islamarkaana ay qaataan nabadda, islamarkaana ay miiska wada-xaajoodka ku dhamaayeen waxay kala tabanayaan.

Jabuuti ayaa xiriir dhaw la leh Somaliland.

Keating horey u booqday Puntland iyo Somaliland, isagoo xal u raadinaya Colaadda Tukaraq, ayaa ugu mahadceliyay Jabuuti kaalinteeda soo celinta nabada iyo xasiloonida Soomaaliya, oo ay Ciidamo usoo dirtay kuwaasi oo ka qeyb ka ah AMISOM.

Socdaalka Keating ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo isbuucaan la filayo in magaalada Garoowe ee xarunta Puntland uu gaaro Wafdiga ka socda Ururka IGAD. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM