Heshiis laga gaarey buuxinta biyo xireenka xiisada culus dhaliyey

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed Cali, ayaa wuxuu shaaciyey dalalka Masar iyo Suudaan ay kala heshiiyeen buuxinta biyo-xireenka xiisada xoogan dhaliyey ee webiga Nile.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Abiy oo lagu daabacay barta uu ku leeyahay mareegaha Twitter-ka, saddex dal ayaa isla ogolaadey in Itoobiya ay buuxin karto biyo xireenka.

Hogaamiyeyaasha saddex waddan ayaa sacadihii lasoo dhaafay ku kulmay qadka Internet-ka. Midowga Arika ayaana soo agaasimay shirkaas, iyaddoo ay korjoogto ka yihiin Midowga Afrika iyo Mareykanka.

Itoobiya ayaa sheegtay in wejiga koowaad ee buuxinta la dhameystiray kadib roobab xoogan oo ka dhacay gobolka. Biyo-xireenka ayay tilmaamtay in haatan uu qarka u saaran yahay in uu buuxsamo.

Abiy ayaa kulanka kadib sheegay in shirka uu fududeeyay madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, hadafkana uu ahaa in la xoojiyo dedaalada la xiriira in mushkiladaha Afrika ay dhexdooda xaliyaan.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa ayaa uga mahadceliyey ra'iisul wasaaraha Suudaan, Cabadala Xamduuk iyo madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al Siisi "in ay is-faham ka gaareen wadahadalka".

Moussa Faki Mahamat, gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, ayaa kulanka kahor xoojiyey is-afgarad dan u ah dhinacyadda.

"Webiga Nile wuxuu muhiim u yahay nolosha iyo horumarka saddex dal, si lamid ah waa il wali muhiim u ah amniga," ayuu raaciyey.

Xiisadda Masar iyo Itoobiya ayaa cirka isku sii shareertay 1-dii May kadib markii Khaahira ay qaraar u gudbisay Golaha Ammaanka. Talaabadaas waxay timid markii Addis Ababa sheegtay in ay bilaabeyso wejiga koowaad ee buuxinta biyo xireenkan ay ku baxeyso shan milyan oo Doolar.

Doodaha ay dhinacyaddu kala taagnaayeen ayaa ahayd; Itoobiya oo lahayd in ay koronto ka dhalineyso isla markaana cuskaneysa heshiis hore, Masar iyo Suudaan oo ku andacoonayey in uu dhimayo saamigooda.

Heshiiska la gaarey ayaa la macno ah in ay meesha ka baxeyso baqdintii la xiriirtay iska hor-imaad dhexmari kara dhinacyada, maadaama Masar ay horey ugu goodisay talaabo milatari hadii buuxinta bilaabato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM