Heshiisyo ay Itoobiya la gashay Jabuuti iyo Rwanda oo la ansixiyey

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Golaha Wakiilada Itoobiya oo Khamiista maanta ah yeeshay fadhi ayaa meelmariyey heshiisyo is-dhaafsi maxaabiis oo xukuumadda Addis Ababa la gashay Jabuuti iyo Rwanda.

Heshiisyaddaan aan la fahfaahin ayaa ogolaanaya in dowladaha ay isku gudbiyaan shaqsiyaadka laga doon-doonayo wadamadooda.

Kulanka maanta oo ka dhacay hoolka Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale lagu ansixiyey arrimo kala duwan oo loo gudbiyey golaha.

Go'aanada uu golaha ansixiyey waxaa kamida magacaabida shan xubnood oo buuxinaya boosas ka banaanaa Guddiga qaran ee dib-u-heshiisiinta oo uu soo xushay ra'iisul wasaare Abiy Axmed.

Dereje Jemberu, Demelash Yadete, Dr. Ezra Abate, Fatuma Hasse iyo Garad Kulme ayaa la dhaariyey markii ay heleen codka kalsoonida.

Waajibaadka guddigaan ayaa ah xalinta is-qabqabsiga qowmiyadaha ee dhinacyadda; siyaasadda, xuduudaha iyo arrimo kale.

Ugu dambeyntii, baarlamaanka ayaa ansixiyey heshiis dhexmaray Itoobiya iyo Qadar oo ku saabsan kordhinta maalgelin lagu sameynayo soo saarista macdanta iyo heshiis deyn ah oo lagu xakameynayo Ayaxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM