Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Kenya oo booqanaya Somaliland

Image

NAIROBI, Kenya – Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Kenya, Raila Odinga, ayaa qorsheynaya in uu socdaal ku tago caasimadda Somaliland ee Hargeysa, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Socdaalka Odinga ayaa qayb ka ah qorshe uu xisbigiisa ODM waddo kaasoo lagu riixayo aqoonsi ay Somaliland ka hesho caalamka.

Xisbiga ODM ayaa diyaariyey hindise sharciyeed loo gudbinayo baarlamaanka Kenya, kaas oo xisbiga talada haya ee Jubilee isla markaana uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta lagu waramayo in uu gedaal ka riixi doono.

Booqashadda Odinga oo salka ku haysa "si uu u soo qiimeeo xaaladda Hargeysa" ayaa imaaneysa kahor inta aysan talaabadda ku dhaqaaqin.

Odinga, oo 75-sano jir ah kana kamid ah siyaasiyiinta ugu caansan qaarada iyo Kenya, ayaa sidoo kale wakiil sarre ka ah Midowga Afrika.

"Socdaalka Odinga ee Hargeysa wuxuu kusoo hagaagi doonaa fursadda ugu macquulsan ee uu helo," ayay yiraahdeen illo wareedyadda ka tirsan xisbigiisa ee u waramay Garowe Online, balse aysan fahfaahin.

Tan iyo markii ay ka heshiiyeen murankii doorashooyinka 2018, Uhuru iyo Odinga ayaa kawada shaqeeyay qadiyado kala duwan oo isugu jira maxali iyo caalami, waxaana kamid ah xasiloonida iyo wadajirka Afrika.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii wafdi ka socda Kenya ay ka dageen Hargeysa isla markaana kulan saddex saacadood qaatay ay la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, lagana hadleen arrimo kala badan.

Kenya ayaa kamid ah wadamadda ay haatan ciidamadda ka joogaan Soomaaliya, waxaana ay qayb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Sanadka dambe, waxaa lagu wadaa in ay waddanka ka baxaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM