Hogaamiyeyaasha Turkiga iyo Kenya oo yeeshay wadahadal telefoonka ah

Image

ANKARA, Turkey – Madaxweyaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Arbacada maanta ah wadahadalo dhanka telefoonka uu la yeeshay dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta, sidda ay warisay saxaafada.

Waaxda Warfaafinta Madaxtooyadda Turkiga ayaa shaacisay in Erdogan iyo Kenyatta ay kawada xaajoodeen arrimo ku saabsan cilaaqaadka laba geesoodka ah iyo xaaladihii u dambeeyay ee gobolka.

War-saxaafadeedka ayaa waxaanan lagu bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan qodobadda ay hogaamiyeyaasha isla soo qaadeen.

Kenya ayaa ah dalka shanaad ee dadka ugu badan ay ku nool yihiin Afrika, si lamid ah waa waddanka lixaad ee ugu dhaqaalaha wanaagsan.

Tan iyo 2000, Turkiga ayaa sarre u qaaday joogitaankiisa Afrika, wuxuuna balaariyey xiriirkiisa diblumaasi, ganacsi iyo isu soo dhowaanshiyaha bulshadda iyo dowladaha, isagoo u maraya taageero gargaar.

Sanadkii 2016-kii ayay ahayd markii ugu dambeysay oo Recep Tayyip Erdogan uu booqasho ku tegay dalka dhaca Geeska qaarada Afrika.

Soomaaliya oo deris la ah Kenya ayuu Turkiga ku leeyahay joogitaan ciidan, diblumaasi iyo mid dhaqaale, wuxuuna ka dhisay saldhiga ugu weyn ee meel ka baxsan dalkiisa, halkaas oo lagu tababaro askar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay inay iska difaacayso “duullaan ballaaran” oo Eritrea ku soo qaaday

Dagaallada dib u soo cusboonaaday ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in gobolka Geeska Afrika uu galo dagaal ballaaran.

  • Afrika

    10-10-2026

  • 11:27AM

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM