In ka badan 100 qof oo lagu dilay galbeedka Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dabley ayaa dishay in ka badan 100 qof weerar ka dhacay galbeedka gobolka Benishangul-Gumuz ee dalka Itoobiya, sidda uu sheegay guddiga xuquuqda aadanaha ee waddankaas.

Weerarka ayaa Arbacadii ka dhacay tuulada Bekoji oo ka tirsan ismaamulka Bulen oo ku dhow aagga Metekel, sidda uu ku waramay guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya ee dowladdu maamusho. Aagaas waa meel ay ku nool yihiin qoomiyado kala duwan.

Dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika wuxuu la-daalaa-dhacayay rabshado joogto ah oo ka dillaacay tan iyo markii ra'iisul wasaare Abiy Ahmed la magacaabay 2018-ka oo bilaabay dardargelinta dib-u-habeynta dimuqraadiyadda taasoo dabcisay gacantii birta ahayd ee goboladaku loolamayay.

Doorashooyinka la filayo sanadka soo socda ayaa sii huriyay xiisadaha ka taagan dhulka, awoodda iyo kheyraadka.

Milatariga Itoobiya wuxuu la dagaalamay fallaagada gobolka dhaca ee waqooyiga Tigray, isku-dhacaas oo socday in ka badan lix toddobaad ayna ku barakaceen dad ku dhow 950,000 oo qof kuna dhinteen boqolaal kale.

Daabulitaanka ciidamada federaalka ee halkaas ayaa waxay sare u qaaday cabsida ah in xaalad amni ay ka dhacdo gobollada kale ee xasiloon.

Itoobiya ayaa sidoo kale la kulantay qalalaase ka jira gobolka Oromada oo la sheegay in uu wajahaya khataro amni oo muddo dheer uga imaanayay dagaalyahanada Soomaalida ee ku teedsan xadka bariga ee bariga.

Gashu Dugaz, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan laamaha amniga ee gobolka, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters inay ka warqabeen weerarkii ka dhacay Benishangul-Gumuz ayna hubinayeen aqoonsiga kooxda weerarka soo qaaday iyo dhibbanayaasha, laakiin ma uusan bixin macluumaad dheeri ah.

Gobolku wuxuu hoy u yahay dhowr qowmiyadood oo ay ku jiraan dadka Gumuz.

Laakiin sanadihii u dambeeyay beeralayda iyo ganacsatada ka soo jeeda gobolka dariska la ah ee Amxaarada ayaa bilaabay in ay u guuraan aaga, taas oo keentay in qaar ka mid ah Gumuz ay ka cawdaan in dhul barwaaqo ah laga qaatay.

Qaar kamid ah hogaamiyaasha Amxaarada ayaa hada sheegaya in qaar kamid ah dhulka gobolka - gaar ahaan aaga Metekel - ay xaq u leeyihiin iyaga, sheegashooyinkaas oo ka careysiiyay dadka Gumuz.

"Weerarradii hore, waxay ahaayeen dad ka yimid 'kaynta' kuwaas oo ku lug lahaa laakiin, kiiskan, dhibbanayaasha ayaa sheegay inay ogyihiin dadka ku lugta leh weerarka," ayuu xusay guddiga xuquuqul insaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya: Gabdho Soomaali ah oo lagu qabtay $560,000 oo false ah

Saraakiisha DCI-ga ayaa sheegay in lacagta been abuurka ah ay ku jirtay xaalad aad u adag oo dadka qaarkiis aysan si fudud u garan karin.

  • Afrika

    30-08-2025

  • 05:43PM

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM