Itoobiya iyo Masar oo hadalo xanaf leh hawada isku-mariyey

Image
Xiisadda biyo-xireenka lacagta badan ay ku baxeyso ee Wabiga Nile ayaa mar kale soo cusboonaatay.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa cambaareysay qaraar Jaamacadda Carabta ay kasoo saartey biyo-xireenka Nile waxaana ay ku tilmaamtay mid meel ka dhac ku ah Midowga Afrika iyo dalalka xubnaha ka ah.

Midowga Afrika ayay tibaaxdey in uu ku dadaalay in go'aan mideysan laga laga gaaro arrinta GERD, waxayna ku andacootay in go’aanka Jaamacadda Carabta uu ka hor imaanayo taariikhda iyo qiyamka ay wadaagaan shucuubta Afrika iyo Carabta.

Bayaanka ayaa lagu dhaleeceeyay isku dayga Masar ay ku doonayso inay ku cadaadiso Itoobiya iyada oo u mareysa madasha Jaamacadda Carabta, waxayna xustey in tiro ka mid ah dalalka Carabta ee ku jira ururka "ay ka digeen isku dayga Masar ee ah inay arrinta sii kordhiso".

Hogaamiyayaasha Carabtu waxay ku booriyeen Masar, Suudaan iyo Itoobiya in ay yeeshaan wadaxaajood dhab ah si loo gaaro heshiis dheeli-tiran, cadaalad iyo sharci ah oo ku saabsan biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD).

Hadalka Itoobiya waxa uu u muuqdaa isku-day ay ku dooneyso in ay "ku kala furto" dalalka Carabta iyo Afrika, sidda uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, Axmed Abu Zeid.

"Sheekada ah in qaar ka mid ah wadamada Afrika, ee xubnaha ka ah Midowga Afrika (AU), aysan ku raacsanayn qaraarku run maaha sababtoo ah si wadajir ah ayaa loo ansixiyay," ayuu tibaaxay afhayeenka.

Abu Zeid oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Itoobiya ay isu taagtay in ay ku hadasho magaca dalalka Carabta, taas oo ah "arrin halis ah".

Masar iyo Sudan waxay ugu baaqayeen Itoobiya inay saxeexaan heshiis sharci ah oo ku saabsan GERD si loo hubiyo ilaalinta danahooda biyaha iyo xuquuqda dadka.

Labada dal ayaa ku booriyay Itoobiya inay ka fogaato tillaabooyinka hal dhinac ah ee ku saabsan biyo-xireenka, iyagoo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara buuxinta iyo ka shaqaynta biyo-xireenka ka hor inta aan la saxeexin heshiis la taaban karo.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa diiday saxiixa heshiiskan, waxayna sii waday biyo-xireenka buuxinta iyo qorshayaasha hawlgalinta sannadihii lasoo dhaafay.

Itoobiya ayaa sidoo kale waxa ay isku diyaarinaysa in ay hirgaliso buuxinta afraad ee kaydka biya-xidheenka oo dhan 74 bilyan oo cubic mitir inta lagu guda jiro muddada soo socota in kasta oo labada dal ay diidan yihiin ayna ku hanjabeen talaabo milatari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan oo u yeertay safiirkeeda Kenya kadib Shirkii RSF ee Nairobi

Sanadkan, militariga ayaa qaaday howlgallo ay dib ugula wareegeen qeybo badan oo ka mid ah magaaalada caasimadda ah ee Khartoum.

  • Afrika

    21-02-2025

  • 12:37PM

Kenya oo ka jawaabtay eedeyn uga timid dowladda militeriga Sudan

Dagaalka u dhexeeya ciidamada qalabka sida ee Sudan iyo xoogagga RSF ayaa sababay dhimashada in ka badan 24,000 oo qof.

  • Afrika

    20-02-2025

  • 12:44PM