Itoobiya oo jartay Internet-ka kadib carro ka dhalatay dilka fanaan caan ah

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dowladda Itoobiya ayaa lagu waramay in ay jartay adeega Internet-ka kadib dilka fanaan caan ahaa oo kasoo jeeday qowmiyadda tiradda badan ee Oromadda.

Hacaaluu Hundeessaa ayaa xalay fiidkii lagu khaarijiyey magaala madaxda Addis Ababa. Booliska oo xaqiijiyey falka wuxuu sheegay in ay ka dambeeyeen kooxo hubeysanoo aan la aqoonsan.

Xilli aysan jirin cid loosoo qabtay, illaa iyo haatan lama ogga sababta loo beegsaday heesaaga oo sanadkii 2017-kii noqday shaqsiga sanadka ee Oromada.

Dad ka careysan dilka Hundeessaa ayaa isu soo baxyo waaweyn ka dhigay caasimadda iyo qaybo kamid ah dalka; banaanbaxyadda ka dhacay meelaha qaar waxay wateen rabshado.

Warbixinadda horudhac ah ee illaa iyo haatan soo baxaya ayaa waxay intaas ku darayaan in dowladda ay sidoo kale hakisay isu socodka iyo korontadda.

Ra'iisul wasaare Abiy Axmed oo ka tacsiyeeyay geerida Hundeessaa ayaa balanqaaday baaritaano waafi ah, isagoo rajeeyay in gacanta lagu soo dhigi doono kuwa geystay toogashada.

Falanqeeyeyaasha oo tibaaxay in mudaaharaadyaddu yihiin "kuwa halis ah" ayaa cod dheer kaga digay in ay si adag ula tacaasho xukuumadda.

Itoobiya waa mid kamid ah wadamada ay ku yar yihiin dilalka qorsheysan, balse kuwa lasoo wariyey xilliyadda qaar waxay ka careysan yihiin dad badan maadaama la beegsado xubno caan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay inay iska difaacayso “duullaan ballaaran” oo Eritrea ku soo qaaday

Dagaallada dib u soo cusboonaaday ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in gobolka Geeska Afrika uu galo dagaal ballaaran.

  • Afrika

    10-10-2026

  • 11:27AM

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM