Itoobiya oo jartay Internet-ka kadib carro ka dhalatay dilka fanaan caan ah

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dowladda Itoobiya ayaa lagu waramay in ay jartay adeega Internet-ka kadib dilka fanaan caan ahaa oo kasoo jeeday qowmiyadda tiradda badan ee Oromadda.

Hacaaluu Hundeessaa ayaa xalay fiidkii lagu khaarijiyey magaala madaxda Addis Ababa. Booliska oo xaqiijiyey falka wuxuu sheegay in ay ka dambeeyeen kooxo hubeysanoo aan la aqoonsan.

Xilli aysan jirin cid loosoo qabtay, illaa iyo haatan lama ogga sababta loo beegsaday heesaaga oo sanadkii 2017-kii noqday shaqsiga sanadka ee Oromada.

Dad ka careysan dilka Hundeessaa ayaa isu soo baxyo waaweyn ka dhigay caasimadda iyo qaybo kamid ah dalka; banaanbaxyadda ka dhacay meelaha qaar waxay wateen rabshado.

Warbixinadda horudhac ah ee illaa iyo haatan soo baxaya ayaa waxay intaas ku darayaan in dowladda ay sidoo kale hakisay isu socodka iyo korontadda.

Ra'iisul wasaare Abiy Axmed oo ka tacsiyeeyay geerida Hundeessaa ayaa balanqaaday baaritaano waafi ah, isagoo rajeeyay in gacanta lagu soo dhigi doono kuwa geystay toogashada.

Falanqeeyeyaasha oo tibaaxay in mudaaharaadyaddu yihiin "kuwa halis ah" ayaa cod dheer kaga digay in ay si adag ula tacaasho xukuumadda.

Itoobiya waa mid kamid ah wadamada ay ku yar yihiin dilalka qorsheysan, balse kuwa lasoo wariyey xilliyadda qaar waxay ka careysan yihiin dad badan maadaama la beegsado xubno caan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM