Itoobiya oo sameysay balanqaad la xiriira xiisada Sudan

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dowladda Itoobiya ayaa wacad ku martay inay xoojinayso dadaallada waqti xaadirkan socda ee la doonayo in si nabadeed xal waara looga gaaro xiisadda ka oogan xadka ay la wadaagto Suudaan.

Inkastaoo ay culus tahay xiisadda ka taagan xadka hadda, dowladda ayaa xoojin doonta dadaalkeeda ku aaddan in si nabad ah lagu xalliyo dhibaatada, ayuu yiri Danjire Dina Mufti, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Danjire Dina ayaa warbixintiisii toddobaadlaha ahayd wuxuu shalay ku sheegay in Itoobiya aysan dan ka lahayn inay dagaal la gasho Suudaan sababo la xiriira colaadda ka taagan xudduudda "[arrintaas ay maleegeen kuwa ka faa'iideysanaya isku-dhaca".

Si kastaba ha noqotee, "Suuragal maaha in la yiraahdo qaar ka mid ah Saraakiisha Dowladda Suudaan kuma lug laha dhibaatada," ayuu ku daray.

Isaga oo ka hadlaya xaaladihii ugu dambeeyay ee dowlad deegaanka Tigreega, wuxuu xusay "in arrimuhu caadi ku soo noqonayaan, sheekooyinka la marin habaabiyayna ee howlgalka si tartiib tartiib ah isu beddelaya".

"Warbaahinta way gaabisay balse xaqiiqadda waa in kooxda TPLF ay burburisay isgaarsiinta, buundooyinka iyo wadooyinka si ay khalkhal u abuuraan," ayuu hadalkiisa ku daray.

Wuxuu ku daray: "Iyadoo laga duulayo diblomaasiyadda dhaqaalaha ee ay qaadeen mas'uuliyiinta Itoobiya, maalgashadayaasha ka socda Hindiya, Turkiga, Imaaraadka, iyo Shiinaha ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan maalgashiga Itoobiya".

Sida uu sheegay, qaar ka mid ah wakiilada shirkadaha dalalkan ayaa booqdey Itoobiya waxayna muujiyeen xiisaha ay u qabaan maalgashiga beeraha, dhismaha, shirkadaha dharka, soosaarka saliidda la cuni karo iyo macdanta.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Itoobiya ay dib u soo celisay wadar ahaan 328 muwaadin oo ka kala yimid Sacuudiga iyo Lubnaan, arrintaa soo uu ka dhawaajiyey in ay qeyb ka tahay siyaasadda soo celinta muwaadiniinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 50 qof oo lagu dilay duqeyn ka dhacdey gobolka Amxaarada

21 kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen, waxaana qaarkood xaaladooda ay halis tahay.

  • Afrika

    09-11-2024

  • 01:52PM

Equatorial Guinea: Mas’uul lagu helay 400 cajalado falal anshax xumo ah

Dadka uu muuqaaladan ka duubay waxaa kamid ah xaaska iyo qaraabada madax ay ku jiraan wasiiro.

  • Afrika

    05-11-2024

  • 07:53PM