Itoobiya oo xirtay xuduudaheeda si ay uga hortagto Coronavirus

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Itoobiya ayaa xirtay dhamaan xuduudaheeda si ay uga hortagto faafitaanka COVID – 19, sidda ay warbaahinta dalkaas kasoo xigatay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Wargeyska Addis Standard ayaa baahiyey in sidoo kale Abiy uu amray in la karan-tiilo dhamaan dadka galaya gudaha waddankaas laga bilaabo maanta oo Isniin ah, 23-ka Maaj, sanadka 2020.

Sidda ay muujinayaa warbixinadda, xukuumadda Addis Ababa ayaa sidoo kale ku dhawaaqdey in ay dagaalka ka dhanka ah caabuqaas u diyaarisay shan milyan oo lacagta Itoobiya ah.

Go'aanadaan, sidda laga soo xigtay jaraa'idka, ayaa kasoo baxay kulan uu Abiy la yeeshay madaxda laamaha kala duwan ee ammaanka.

"Hay'addaha kale ee dowladda waxay ka shaqeynayaan fududeynta in ay dhaqan-galaan guud ahaan amaradda," sidaas waxaa baahiyey Telefishinka ku hadla afka dowladda Itoobiya.

Talaabooyinka ayaa imaanaya xili ay soo baxayaan warar kale oo sheegaya in dowladdu soo rogi doonto bandow dadka faraya in aysan kasoo bixi guryahooda.

Itoobiya ayaa illaa iyo haatan xaqiijisay lix kiis oo xanuunkaas dilaaga ah. Balse waxay fariisin u noqoneysaa halka laga daadgureynayo deeq balaaran uu Shiinaha ugu talagalay qaarada Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM