Itoobiya, Suudaan iyo Masar oo dib u bilaabay wadahadalka biyo xireenka

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Itoobiya, Suudaan iyo Masar ayaa shalay dib u bilaabay wadaxaajoodyadda ay xalka ugu raadinayaan is-mari-waaga daba-dheeraaday ee buuxinta iyo howlgalka biyo-xireenka webiga Nile.

Wasiiradda Waraabka iyo Biyaha ee saddex dal ayaa ka qeybgalay wadahadaladda oo lagu qabtay online sabab ku aadan Covid-19.

Kulankaan fogaan aragga ah ama maqalka iyo muuqaalka ah waxaa sidoo kale xaadiray mas'uul ka socday Midowga Afrika iyo Koonfur Afrika, oo waqti xaadirkan ah gudoomiyaha ururka AU-da.

Wakiilo ka socday Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa si lamid ah waxay goobjoog ka ahaayeen wadahadalada dhinacyadda.

Wadahadalkaan ayaa imaanaya maalin kadi markii kumanaan ruux ay isu soo bax ka dhigeen caasimadda Addis Ababa, iyagoo taageeraya wejiga koowaad ee buuxinta biyo xireenka malaayiinka lagu bixinayo.

Ethiopia ayaa horey u sheegtay in ay kula heshiisay Suudaan iyo Masar buuxinta wejiga koowaad oo kolkii hore lagu muransanaa.

Sikastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa waxay biyo-xireenka u aragtaa fursad ay ku xoojin karto dhaqaalaheeda, halka Masaarida ku qeexeen mid wiiqaya saamigeeda biyaha, waxayna dhalisay xiisad meel culus gaartey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM