Kenya: Gabdho Soomaali ah oo lagu qabtay $560,000 oo false ah

Image
Image

Saraakiisha DCI ee xafiiska Nairobi ayaa gacanta ku dhigay laba haween ah oo ku lug leh falal lacag been abuur ah oo Dollar-ka Maraykanka ah. Hawlgalladan ayaa ka dhacay Upper Hill ee magaalada Nairobi, iyadoo labada haween lagu soo qabtay kadib markii baaritaan lagu sameeyay.

Baaritaanka ayaa muujiyay in Ifrah Ali Jeyte iyo Qamar Salaad Abdi, oo ah labada haween ee la soo qabtay, ay wateen lacag been abuur ah oo ka kooban goobo badan oo ah $100 Dollar-ka Maraykanka. Lacagtaasi ayaa si xirfad leh loogu qariyay boorsada haweenka, taasoo markii la tiriyay ay gaartay $560,000, taasoo u dhiganta qiyaastii Ksh 70 milyan.

Howlgalka ayaa dhacay kadib markii saraakiishu ay heleen xog sir ah oo ku saabsan shabakadda lacagta been abuurka ah, taasoo ka dhigtay hawlgalka mid si wanaagsan loo qorsheeyay.

Saraakiisha DCI-ga ayaa sheegay in lacagta been abuurka ah ay ku jirtay xaalad aad u adag oo dadka qaarkiis aysan si fudud u garan karin.

Labada haween ee la soo qabtay ayaa hadda ku sugan gacanta booliska, waxaana la socda baaritaan dheeri ah. Saraakiisha booliska ayaa sidoo kale diyaarinaya dacwado ka dhan ah, iyadoo la filayo inay maxkamad la soo taagan doonaan dhawaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidan Itoobiyaan ah oo ka gudbay xadka Kenya iyo xiisad dagaal oo ka dhalatay

Warbixin rasmi ah oo laga diiwaangeliyay Saldhigga Booliska Moyale (OB No. 32/22/11/2025) ayaa tilmaamaysa in ciidamada Kenya Police.

  • Afrika

    23-11-2025

  • 12:44PM

Nigeria: 303 Arday iyo 12 Macallin oo La Afduubay, Warbixin Cusub oo La Soo Saaray

Ardayda la afduubay waxay yihiin wiilal iyo gabdho da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 18 sano, sida ay sheegeen Saraakiisha amniga.

  • Afrika

    23-11-2025

  • 06:25AM