Kenya iyo Cuba oo ka shiray xaalka dhakhaatiir ay afduubatay Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Wasiiradda arrimaha dibadda Cuba iyo Kenya ayaa yeeshay wadahadalo dhanka telefoonka ah kaasoo ay arrin-sadeen xaalada dhakhaatiir ay 16-bilood kahor afduubatay maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Wadax-xaajoodyadda dhanka isgaarsiinta ee Bruno Rodríguez iyo Raychelle Awour Omamo oo dhacay Jimcadii ayaan laga bixin tafaasiil dheeriya marka laga reebo in ay iska xog-wareysteen meesha ay wax marayaan.

Rodríguez, wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Havana oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa wuxuu yiri "Waxaan kaloo is-dhaafsanay aragtiyo ku saabsan wadahadaladeena laba geesoodka ah".

Ma jiro wax war ah oo illaa haatan kasoo baxay dhanka Omamo oo dowladeeda ay horey u sheegtay in ay dedaal badan u bixineyso sidii ay qaab nabad-gelyo ah ugu soo badbaadin lahayd howlwadeenadaas caafimaad.

Bishii April 12-keeda sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii dhakhaatiirta oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodríguez ay wateen dabley loo maleynayo Al-Shabaab xilli ay kusii jeedeen Isbitaalka Gaarisa.

Warbixino sirdoon ayaa daaha ka rogay in Herrera iyo Rodríguez lagu hayo qaybo kamid ah koonfurta Soomaaliya, hase ahaatee, ma jiro cid si rasmiya u soo bandhigi karta aaga. Al-Shabaabna ma shaacin damaceeda.

Hase ahaatee, odayaal dhaqameedyo ay dowladda Kenya ugu dirtay waan-waan ayaa ka dhawaajiyey in lagu hayo degaano xuduudka ku teedsan, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacidana doonayaan madax furasho.

Xukuumadda Nairobi oo meesha ka saartey in ay lacag ku bixin doonto badbaada dhakhaatiirta ayaa ku goodisay in ay qaadeyso talaabo ciidan. Saxaafada maxaliga waxay warisay in mukhaabaraadka Kenya uruurinayo xogo.

Assel Herrera iyo Landy Rodríguez ayaa Kenya ku tegay heshiis ay kala saxiixdeen labada dowladood kaasoo ahaa in dhakhaatiirta Cuba ay adeegyo caafimaad ka fuliyaan tuulooyinka, balse waxaa carqaladeeyay afduubkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM