Kenya oo hanjabaad culus u dirtay "maal-galiyayaasha" Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay xoojin doonto howlgalada "lagu naafeynayo" Al-Shabaab markii ay kordheen weerarada ay kooxdaas ka fuliso gudaha waddankaas.

Fred Matiang'i, wasiirka arrimaha gudaha, oo la kulmay taliyeyaasha amniga, ayaa tilmaamay in istaraatiijiyadooda cusub ay ku beegsan doonan ilaha ay dhaqaalaha ka hesho Shabaab.

Sidda uu ka dhawaajiyey Mr Fred, ganacsiga sharci daradda ah ee gobolka Waqooyi Bari waa isha koowaad ee hurinaya weerarada ay maleeyshiyaadka ka geystaan magaalooyinka.

"Maadaama baaris lagu xaqiijiyey arrintaas, waxaan iminka u soconaa in aan gacan bir ah ku qabanayo kooxaha sidda sharci darada ah wax u dhoofiya," ayuu ku daray intii kulanku socday.

Hay'addaha nabad-gelyada ayuu faray in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan roondo uga bilaabaan degaanada sohdinta.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in sidoo kale qorshahooda cusub ay ku bartilmaameedsan doonan "maal-geliyayaasha qarsoon ee jihaad-aloosheyaasha".

"Iyaddoo ganacsiga sharci darada ah la xiriiro argagixisada, kuwa maalgeliya ee dhaqalaha ku bixiya waxaan ula macaamili doonaa sidda maleeyshiyaadka," ayuu cod dheer ku raaciyey.

Hadalkan ayaa imaanaya iyaddoo kaliya bishaan Janaayo, 2020 ay Al-Shabaab gudaha Kenya ka geysatay in ka badan tobban weeraro kuwaasoo lagu khaarijiyey dad ay ku jiraan ajaaniib iyo shacab.

Weerarada ayaa lagu kala beegsaday saldhigyo ciidan, xarumaha shirkad isgaarsiin, goobo waxbarasho iyo gaadiid bas oo rakaab ah.

Kenya ayaa la daalaadhaceysa iska caabinta xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida tan iyo 2011-kii, xilligaas oo askarteeda ay kamid noqdeen howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM