Kenya oo Jabuuti kaga guuleystay coddeynta kursiga golaha ammaanka

Image

WASHINGTON, US – Natiijada kama dambeysta ah ee kasoo baxday coddeynta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaaday Jabuuti iyo Kenya ee xubinimada Golaha Ammaanka ayaa goordhow lagu dhawaaqay.

Dalalka xubinta ka ah Golaha Guud oo ah 193 ayaa codkooda dhiibtay, iyaddoo la ilaalinayo kala fogaashiyaha Covid-19 sababay.

Kenya ayaa ku guuleystay xubinimadda kadib markii ay heshay codadka ugu badan, taas oo la macno ah in Jabuuti looga adkaaday.

Kenya ayaa heshay 113 cod, halka Jabuuti ay heshay 78 cod; tani ayaa ka dhigan in ay dhici doonto coddeyn wareeg labaad ah maalinta Khamiista ah maadaama aysan Kenya helin saddex meelood, laba dalool.

Xukuumadda Nairobi waxay ku ololeyneysa inay "codka iyadda la siiyo uu xoojinayo nabadda caalamka"; halka Jabuuti ay cuskaneysay in ay ugu qalanto kamid noqoshada golaha in ay ku taalo aag muhiim ah.

Kenya ayaa horey laba jeer xubin uga noqotay golaha, waana intii u dhaxeysay 1973-1974, halka Jabuuti ay dhankeeda hal jeer uga soo mid noqotay golaha, waana intii u dhaxeysay 1993-94.

Kursigan ay ku baratameen wadamada ayaa kamid ahaan shan boos oo ka banaanaa Golaha, gaar ahaan kuwa aan joogtada ahayn. Guuleystaha ayaa bedalaya waddanka Koonfur Afrika.

Labadan waddan waxay ciidamo ka joogaan dalka deriska la ah Soomaaliya, oo si shaac-baxsan u garab istaagtay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Golaha Ammaanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa ka kooban 15 xubnood, waxaa joogto ah Mareykanka, Shiinaha, Ruushka, Britain iyo Faransiiska, tobbanka kale waxaa sanadkiiba soo doorta Golaha Guud.

Kamid noqoshada Golaha Ammaanka ayaa fursad muhiim ah u ah wadamadda, sababtoo ah in ay ku meelmarin karaan danahooda.

Xubnaha joogtada ah ee golaha ayaa leh cod diidmo qayaxan ah oo ay ku hor istaagi karaan qaraaradda la horkeeno; xubnaha aan joogtada ahayn waxay kaliya awoodaan in ay qaraarada hor-geeyaan golahaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM