Kenya oo qorsheyneysa in ay dib u furto xuduudka Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa in ay dib u furto qayb kamid ah xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya gaar ahaan dhanka ismaamulka Lamu, sidda uu Sabtida maanta ah wariyey Daily Nation.

Talaabadan ayaa faa'iido badan waxay u noqon doontaa kalluumeysatadda oo jilaabasho iyo ganacsi ay u ahayd furnaanshiyaha.

Bishii June ee sanadkii hore ayay ahayd markii la xiray sohdinta sabab la xiriirta cabsi laga qabay in ay kasoo gudbaan xubno Al-Shabaab ah, ka ganacsiga dhoofinta dadweynaha iyo badeecadaha dhacay.

Irungu Macharia, gudoomiyaha ismaamulka Lamu, ayaa sheegay in qorshaha furitaanka uu socdo, balse wuxuu caddeeyay in uu sii xirnaan doono illaa iyo go'aanka ugu dambeeya uu kasoo baxo dowlada dhexe.

Cabasho kaga timid dadweynaha gaar ahaan ganacsatadda Khaadka iyo Kalluumeysatadda ayuu tibaaxay in ay dib ugu furayaan.

"Waanu ka war qabnaa in dalxiiska iyo kalluunka oo kamid ah ilaha dhaqaalaha uu ka helo gobolka Lamu ay burbureen tan iyo markii uu dilaacay safmarka musiibadda ah ee Covid19," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Maamulka gobolka ayuu cod dheer ku sheegay in uu ka shiri doono go'aanka ugu dambeysta, wallow uusan muddeynin waqtiga saxda ah.

Sidda laga soo xigtay gudoomiyaha, aaga Kiunga wuxuu kamid ah yahay meelaha dib loo furi doono ee ku yaala xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Sikastaba ha ahaatee, go'aankaan ay Kenya dib ugu fureyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya oo aan la ogeyn hadii uu ku meelgaar yahay iyo in kale ayaa kusoo aadaya xilli xaaladaha Coronavirus ee dalalka sii kordhayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM