Kenya oo sheegtay in faragelin lagu hayo Soomaaliya

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in faragelinta shisheeye ay mas'uul ka tahay xasilooni-darrada ka jirta Soomaaliya.

Khudbadiisa sanad laha ah oo uu ka jeediyay Baarlamaanka Kenya, ayaa Uhuru waxuu daboolka kaga qaadey in fagarelinta ajnabiga ay dabar-jebisay dedaalladii nabadeynta Soomaaliya iyo horumaradii la gaarey sanadihi lasoo dhaafay.

"Soomaaliya wali dhibaato ayaa ka jirta, waxay ka dagi la'dahay faragelinta shisheeye oo kala qeybisay shacabkeeda, sidoo kalena dhaawacay guulihii amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab," ayuu yiri Uhuru.

isagoo hadalkiisa sii wata, Uhuru ayaa carabka ku dhuftay in Wakiilladda dowladaha caalamka u fadhiya Muqdisho ay kaalin weyn ku leeyihiin qalalaasaha Soomaaliya, sidoo kalena ay hagar-daaminayaan dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Kenya ayaa tilmaamay in dowladiisa ay ka go'an tahay sii wadista taageerada Soomaaliya, isagoo carabka ku dhuftay in Soomaliya xasiloon ay dani ugu jirta nabada gobolka oo dhan.

Uhuru ayaa ku bogaadiyay AMISOM halgankooda naf-hurnimada leh ee ay ku nabadeynayaan dalka Soomaaliya, oo mudo ka badan 20 sano ay colaad ka jirtay, islamarkaana wali aan deganayn xaaladiisa.

Kenya oo kamid ah dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya, ayaa waxaa kala dhaxeeya Soomaaliya muran dhinac Badda ah, iyadoo labada dowladooda Kiiskooda u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda.

GOROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Digniin Ka Soo Saartay Gelitaanka Israa’iil ee Badda Cas iyo Aqoonsiga Somaliland

Ilaa hadda, Israa’iil iyo Maamulka Somaliland midna si rasmi ah ugama hadlin digniinta ay Masar soo saartay.

  • Afrika

    09-02-2026

  • 09:12PM

DEG-DEG: Itoobiya oo Amartay Ciidamada Eritrea inay si degdeg ah uga baxaan dhulkeeda

Ilaa hadda, dowladda Eritrea kama aysan jawaabin eedeymahan cusub ee kaga yimid dhanka Itoobiya.

  • Afrika

    08-02-2026

  • 06:53PM