Kiisaska Covid-19 ee Koonfur Afrika oo dhaafay hal milyan

Image

CAPE TOWN, South Africa – Wadarta guud ee kiisaska Coronavirus ee Koonfur Afrika tan iyo markii xaaladii ugu horreeyay la helay bishii Maarso ayaa dhaaftey hal milyan maalintii Axadda, sidda ay sheegtay Waaxda Caafimaadka.

Tani waxay imaaneysaa maalmo ka dib markii nooc cusub oo si dhakhso leh u faafaya la xaqiijiyay inuu dalkan ka jiro.

Dhacdadan murugada leh ayaa kusoo hagaageysa sagaal maalmood ka dib markii waddanka, oo ah kan ugu badan dhanka kiisaska Afrika, laga soo wariyey 900,000 oo kiis. Laba todobaad gudahooda ayaa lagu diiwaan-geliyey kiisaska 900,000 iyadda oo horaantii December ay xaaladuhu ahaayeen 800,000.

Dhowr isbitaal iyo xarumo caafimaad ayaa sheegaya in qolalka ay buux dhaafiyeen bukaanada iyadoo shaqaale badan oo daryeel caafimaad ay baajiyeen fasaxoodii si ay ula tacaalaan bukaanadda aadka u tirada badan.

Mediclinic International Plc, oo ka mid ah saddexda sheybaar ee isbitaallada gaarka loo leeyahay ee dalka ka jira, ayaa Axaddii shaaciyey in kororka daran ee kiisaska uu culeys aad u daran saaray shaqaalaha, qalabka iyo sariiraha taasoo adkeysay in deg-deg wax loogu qabto bukaanadda daryeelka u baahan.

"Tirada bukaanada raadinaya daryeelka gudaha isbitaaladeena waxay dhaafeen tirooyinki hore inta lagu gudajiray wejigii koowaad; inta badan qeybaheena ICU-da iyo Daryeelka Sare waxay ku shaqeynayaan in ka badan tankooda," ayay tiri shirkada oo ka hadleysa gobolka Western Cape.

Nooca cusub ee Covid-19, oo loo yaqaan '501.V2', ayaa waxaa helay koox saynisyahanno ah oo ku teedsan Koonfur Afrika oo raadraac ku sameeyay hiddo-wadaha fayraska.

"Kala duwanaanta ayaa u muuqata mid diirada saareysa koonfurta iyo koonfurta-bari ee dalka waxayna si aad ah u xukumaysay natiijooyinka laga soo qaaday shaybaarradii la aruuriyay tan iyo bishii Oktoobar," ayay raaciyeen.

Guddiga ka hortagga Coronavirus, oo ah hay'adda ugu sareysa dowladda ee la socota cudurka, ayaa kulmay Axaddii si ay go'aan uga gaaraan isla markaana tallaabooyin dheeri ah uga soo saaraan xaaladda, sidda ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah ee News24. Qodobada ay isla soo qaadeen waxaa la wariyey in ay kamid tahay soo rogida xayiraadyo aad u adag.

"Maanta, waxaan dhaafnay hal milyan oo ah isugeynta ah kiisaska COVID-19 ee Koonfur Afrika ka jira, guud haan wadarta waa 1,004,413 kiisas," ayay wasaaraddu ku tiri bayaan ay soo saartay goor dambe oo Axaddii ah.

Tirada guud ee dhimashadu waxay sii cagacageyneysaa 26,735. Balse nooca cusub ee safmarka awadeed, waxaa laga cabsi qabaa in ay kororto.

Tan iyo markii lagu dhawaaqay nooca cusub oo kiiskii ugu horeeyay laga helay gudaha boqortooyadda Britain, dhowr waddan ayaa joojiyay duulimaadyadii Koonfur Afrika, iyaga oo si gaar ah u beegsaday safarada dhinaca dalxiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo heshay xil-sare oo ku dhex-dhexaadiso Soomaaliya iyo Itoobiya

Gudiga waa hay'adda koowaad Ururka Midowga Afrika ee go'aan ka gaarista, ka hortagga, maaraynta, iyo xallinta isku colaadaha dalalka ay ka dacaan.

  • Afrika

    01-12-2024

  • 04:07PM

Ku dhowaad 30 qof oo ku geeriyoodey dooni ku degtay Nigeria

Doonta ayaa u rarneyd ganacsato u badan beesha Missa ee degta bartamaha gobolka Kogi.

  • Afrika

    01-12-2024

  • 06:58AM