Ku dhowaad 150 qof oo ku dhimatay dab qabsadey booyad shidaal

Image
Dabka ayaa qabsaday gaariga rogmaday, kaasoo ay ciidamada la wareegeen kaddib markii uu shil galay.

NAIROBI, Kenya - Booyad shidaal ayaa ku qaraxday habeen hore waqooyiga Nigeria, waxaana ku dhintay ugu yaraan 147 qof oo u soo yaacay goobta shilku ka dhacay si ay u ururiyaan shidaal soo daatay, sida ay saraakiishu sheegeen.

Dabka ayaa qabsaday gaariga rogmaday, kaasoo ay ciidamada la wareegeen kaddib markii uu shil galay, sida ay booliisku u sheegeen BBC-da.

Ku dhawaad ​​100 qof oo kale oo ku dhaawacmay qaraxa ayaa la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Ringim ee gobolka Jigawa ee u dhow, kuwaasi oo qaar badan oo ka mid ah ay xaaladoodu aad u liidato.

Saraakiisha ayaa dadka uga digay in aysan u dhawaan booyada shilka ka dib habeenimadii Talaadada, laakiin way u suurta geli waayeen in ay xakameeyaan dadka isa soo tarayay, ayuu yiri afhayeenka bilayska Lawal Shiisuu Adam.

"Waxaan isku daynay intii karaankeena ah inaan joojino dadka u socda gaariga si ay shidaal u qaataan, laakiin inkastoo aan xirnay goobta, waa nalaga itaal roonaaday, dadkuna markii ay xaaqayeen shidaal ayuu dab qabsaday," ayuu u sheegay BBC-da.

Shilkan ayaa ka dhacay magaalada Majia ee waqooyiga gobolka Jigawa saacadu markay ahayd 23:30 xiliga maxaliga ah (22:30 GMT), ayuu yidhi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM