Libya oo Dib u billowday Sahaminta Shidaalka Badda Xili Dalka uu wajahayo Amni darro

Image

Lbya oo Dib u billowday Sahaminta Shidaalka Badda Xili Dalka uu wajahayo Amni darro

TRIPOLI, Libya– Shirkadda Shidaalka Qaranka Libya (NOC) ayaa Axaddii ku dhawaaqday in dib loo bilaabay howlaha sahaminta shidaalka ee ka socda dhul-badeedyo dhowr ah oo ku yaalla xeebaha waqooyi-galbeed ee dalka, kuwaas oo hakad galay muddo ka badan shan sano. Sahamintan ayaa waxaa si wadajir ah u fulinaya NOC iyo shirkadda Talyaaniga ee Eni.

Bayaan kasoo baxay NOC ayaa lagu sheegay in dib u howlgelinta la sameeyay kaddib markii la dhameystiray qiimeyn farsamo iyo mid deegaan, kuwaas oo muhiim u ahaa oggolaanshaha dib u bilaabista shaqada. NOC waxay sheegtay in howlaha sahamin ee hadda socda ay qeyb ka yihiin qorshaha istiraatiijiyadeed ee kor loogu qaadayo awoodda wax-soo-saarka iyo ka faa’iideysiga khayraadka shidaalka iyo gaaska dalka.

Sida lagu xusay bayaanka, kooxo farsamo oo ka socda Eni ayaa durba bilaabay baaritaanno seismic ah iyo daraasado dhanka juqraafiga ah, si loo diyaariyo ceelal cusub oo sahamin ah.

Eni waa mid ka mid ah maal-gashadayaasha ugu waa weyn ee ku sugan waaxda shidaalka iyo gaaska ee Libya, waxayna si wadajir ah ula maamushaa mashaariic badan oo ay ugu weyn tahay mashruuca gaaska dabiiciga ah ee Bahr Essalam, kaas oo ah mid ka mid ah ceelasha badda ee ugu waaweyn Afrika Waqooyi.

Inkasta oo Libya ay weli wajahayo qalalaase siyaasadeed tan iyo ridistii xukunka Muammar Gaddafi sanadkii 2011, haddana waaxda shidaalka ayaa ah laf-dhabarta dhaqaalaha dalka iyo isha ugu weyn ee dakhliga qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay inay iska difaacayso “duullaan ballaaran” oo Eritrea ku soo qaaday

Dagaallada dib u soo cusboonaaday ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in gobolka Geeska Afrika uu galo dagaal ballaaran.

  • Afrika

    10-10-2026

  • 11:27AM

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM