Madaxweynaha Kenya oo lagu wado inuu xarigga ka jaro biyo-xireenka Itoobiya
Madaxweynaha Kenya oo lagu wado inuu xarigga ka jaro biyo-xireenka Itoobiya
Addis Ababa, Itoobiya – Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u daahfuro biyo-xireenka muranka badan dhaliyay ee Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) oo laga dhisay webiga Blue Nile, inkasta oo ay si xooggan uga horyimaadeen dalalka Masar iyo Suudaan kuwaasoo ku baaqay in heshiis rasmi ah laga gaaro buuxinta biyo-xireenka.
Masar iyo Suudaan ayaa sheegaya in mashruucan uu si weyn hoos ugu dhigayo qulqulka biyaha webiga Nile, taas oo saameyn xun ku leh nolosha malaayiin qof oo ku tiirsan biyaha webigaas, kaasoo ka yimaada harada Victoria oo ku taalla bariga Afrika.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Kenya ayaa lagu tilmaamay furitaanka biyo-xireenka GERD inuu yahay “astaanta isku-filnaanshaha Afrika iyo guul weyn oo u soo hoyatay Itoobiya.” Afhayeenka Madaxtooyada Kenya, Hussein Mohamed, ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Ruto uu ka qeybgalayo xafladda.
Inkasta oo Ruto uu gaaray Addis Ababa Axaddii, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xarig-jarka mashruuca uu dhici doono Talaadada, 9-ka Sebtember 2025, iyadoo uu marti-gelinayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Madaxtooyada Kenya ayaa muujisay muhiimadda uu mashruucu u leeyahay gobolka, iyadoo sheegtay in xariiqda korontada Itoobiya–Kenya ay horey u bilaawday bixinta “koronto nadiif ah oo la awoodi karo, taasoo xoojinaysa amniga tamarta, si gaar ah waqtiyada abaarta, ayna kor u qaaddo horumarka warshadaha.”
Waxaa sidoo kale lagu daray in mashruuca GERD iyo xariiqda korontada ee Kenya–Tanzania ay kor u qaadayaan midowga gobolka Bariga Afrika iyagoo isku xiraya tamar cagaaran, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Addis Ababa Standard.
Intii uu joogo Addis Ababa, Madaxweyne Ruto waxa uu sidoo kale ka qeybgalayaa Shirka Afrika ee Isbeddelka Cimilada (Africa Climate Summit) ee labaad, halkaasoo uu ku daahfuri doono warbixin cinwaankeedu yahay “Laga Bilaabo Nairobi ilaa Addis Ababa: Socdaalkii Afrika ee Cimilada iyo Iskaashiga.” Warbixintu waxay qiimeynaysaa horumarka laga gaaray tan iyo shirkii ugu horreeyay ee Nairobi, xaaladda hadda jirta, iyo jihada mustaqbalka.
Dhanka kale, Itoobiya iyo Masar ayaa weli isku haya biyo-xireenka GERD, iyadoo uu khilaafkoodu gaadhay heer diblomaasiyadeed. Masar ayaa u muuqata inay Soomaaliya u aragto goob ay ku wajihi karto Itoobiya, iyadoo dhawaan ballanqaaday in ciidamadeeda ay ku biiri doonaan AUSSOM – howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Itoobiya ayaa ka walaacsan in joogitaanka ciidamada Masar ee Soomaaliya uu wiiqi karo dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab, waxayna Addis Ababa u aragtaa in Masar ay damacsan tahay in ay saldhigyo ciidan ka samaysato Soomaaliya, si ay u carqaladayso hawlgalka biyo-xireenka GERD.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in Masar darteed u diiday casuumaadda Abiy Axmed, ee ka qeybgalka xarig-jarka biyo-xireenka Nile.
GAROWE ONLINE