Madaxweyne markii afaraad isu karantiilay cabsi la xiriirta Covid-19

Image

GABORONE, Botswana – Madaxweynaha Botswana, Mokgweetsi Masisi, waxaa Khamiista maanta ah u bilaabatay 14 maalin karantiil ah markii mas'uul si dhow ula shaqeynayey laga helay Covid19, sidda uu xaqiijiyey xafiiskiisa.

Andrew Sesinyi, xoghayaha joogtada ee dhanka warbaahinta xafiiska Masisi, ayaa sheegay in talaabadan loo qaadey "iyadoo la dhaqan-gelinayo shuruucda xakameynta Covid-19 gaar ahaan karantiilka".

Waa markii afaraad uu hogaamiyahan karantiil galo tan iyo markii kiiskii ugu horeeyay uu diiwaan-geliyey waddankaan dhaca koonfurta Afrika 30-ka bishii Maaj ee sanadkan aynu ku jirno ee 2020-ka.

Mas'uuliyiin kale oo ku dhowaa Masisi ayaa dhankooda is-godoomiyey, waxaana ay mareen baaritaan si loo xaqijiyey hadii ay qaadeen.

Qarankaan hodanka ku ah diamond-ka ayna ku nool yihiin 2.2 milyan oo dad ah ayaa illaa iyo hadda diiwaan-geliyey 227 kiis iyo hal geeri.

Sidda ay sheegtay waaxda caafimaadka, ugu yaraan 181 kamid ah kiisaskaas waa kuwa lasoo dhoofiyey oo la macno ah in ay ajaaniib yihiin.

Dowladda Botswana ayaa joogteysay wacyi-gelinta dadweynaha gaar ahaan kala fogaanshiyaha, farxalka, af-xirka iyo latacaalid deg-deg ah oo loo sameeyo dadka uu haleelo, waana mid kamid ah xeeladaha ay dalal ku guuleysteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM