Kenya oo lagu wareejiyay diyaarado casri ah kadib weerarkii Manda Bay

Image

NAIROBI, Kenya – Lix diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca looguna talagalay aagaga dagaalka ayuu Mareykanka ku wareejiyay Kenya, sidda uu ku dhawaaqay taliska AFRICOM.

Hase ahaatee, taliyaha ugu sareeya ciidamada Kenya, ayaa sheegay in diyaaradahan aanan lasoo gaarsiin waqtigii loo baahnaa.

Diyaaradahaan oo ah kuwa uu Mareykanku farsameeyo ayay sheegeen in uu xoojin doono dedaaladooda baacsiga argagixisada Al-Shabaab.

"Iyaddoo diyaaraduhu xoojinayaan awoodeena goobaha dagaalka, haddana ma aanan helin waqtiga loo baahnaa," ayuu yiri Samson Mwathethe.

Heshiiska lagu siiyey diyaaradaha oo sanado laga soo shaqeynaayey ayaa imaanaya iyaddoo Al-Shabaab weerartay xerada Manda Bay, 5-tii Janaayo, 2020.

Saldhigaan wuxuu fariisin u yahay askar Ameerikaan ah iyo cutubyo kamid ah ciidamada difaaca dalka Kenya.

Maleeyshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa madaafiic ku ganay xerada kahor inta aysan qeybtooda gudaha ugu daadan.

Saddex Ameerikaan ah, hal askari iyo laba qandaraasleyaal ah, ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay weerarka oo haatan baaritaan culus uu ku socdo.

Wargeyska afka dheer ee New York Times ayaa daaha ka rogay in ciidamada Kenya ay ku dhuunteen Cawska intii weerarku socday, wallow eedeyntaas uu beeniyay Taliska Ciidamadda dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM