Mareykanka oo gaadiid dagaal ugu deeqay dowladda Jabuuti

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Milatariga Mareykanka ayaa shaaciyey in 54-xabo oo gaadiidka dagaalka ah uu ugu yaboohay Jabuuti.

Markabka sidday gaadiidkan cusub ayaa todobaadkii hore ku xirtay dekadda Djibouti City, magaala madaxda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in talaabadan ay qayb ka tahay heshiis 31-bilyan ah oo dhexmaray labada dal.

Heshiiska oo ay fududeysay safaaradda Mareykanka ku leeyahay Jabuuti ayaa wuxuu xeerinayaa iskaashi tababar iyo qalabeyn.

"Qalabkan wuxuu Ciidamadda Xoogga Jabuuti ku gaari doonaa muddo todoba bilood gudaheeda ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka AFRCOM.

Jabuuti oo meel muhiim ah kaga taala Geeska Afrika ayaa waxaa saldhigyo ciidan ku leh qaar kamid ah dowladaha ugu tunka weyn caalamka.

Mareykanka oo Jabuuti ku qeexay "saaxiib muhiim u ah" ayaa sanad walba wuxuu siiyaa maalgelin milatari oo gaareysa 200-milyan oo Doolar.

Sikastaba ha ahaatee, Jabuuti ayaa kamid ah wadamadda ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya kuwaasoo qayb ka ah howlgalka AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM