Masar oo ku baaqday in laga taageero Soomaaliya la dagaallanka argagixisada

Image

QAHIRA — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka Masar, Dr. Badr Abdel Aty, ayaa Khamiistii ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika iyo Midowga Afrika si loo taageero dadaallada nabad ilaalinta iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee Soomaaliya.

Kulanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, oo uu ka qayb galay wasiirka, ayaa diiradda lagu saaray sidii looga gudbi lahaa wareejinta howlgallada ATMIS una gudbi lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM, iyadoo Masar ay ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in hawlgalkan la siiyo maalgelin joogto ah si loo xaqiijiyo guulaha amni ee la gaaray.

Dr. Abdel Aty ayaa sheegay in amniga Soomaaliya uu yahay furaha xasiloonida guud ee gobolka, isaga oo ku booriyay beesha caalamka iyo dalalka gobolka inay sii xoojiyaan taageerada hay’adaha ammaanka Soomaaliya iyo horumarinta awoodooda.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka digay khataraha sii kordhaya ee ka imanaya kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab, isagoo ku baaqay in si wadajir ah loo wajaho caqabadahaas si looga hortago in firaaq amni uu noqdo fursad kooxahan.

Masar ayaa sidoo kale soo jeedisay in la sameeyo qorshe istiraatiiji ah oo gobolka looga hortago argagixisada iyo tahriibka, iyadoo la adeegsanayo iskaashi dhex mara dalalka Geeska Afrika iyo Midowga Afrika, si loo helo xasillooni waarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM