Masar oo su'aallo waydiisay safiirka Itoobiya

Image

Qaahira, Masar – Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa Arbacadii waxay u yeertay danjiraha Itoobiya u jooga Khaahira si uu sharaxaad uga bixiyo hadalo kasoo yeeray Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Itoobiya.

Hadalada afhayeenka ayaa "daarnaa" arrimo gudaha Masar, ayay wasaaraddu tiri, iyadda oo aan bixin tafaasiil intaas kasii badan.

Illaa haatan ma cadda hadaladda ka cayreysiiyey Masar. Sidoo kale, mas'uuliyiinta Masar waxay aysan fahfaahin ka bixin waxay yihiin hadaladda.

Telefishinka Al Jazeera ayaa wariyey in Dina Mufti, oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, uu ku weeraray Masar in ay dhaleeceyso mashruuca biyo xireenka oo uu xusay in uu xal u keenayo dhibaatooyin badan.

Hasa ahaatee, illaa haatan ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya fasiraadda ay Al Jazeera ku sameysay hadalka afhayeenka.

Wadahadalo u dhaxeeyay Masar, Itoobiya iyo Suudaan ayaa fashilmay markii dhinacyadda is-faham ka gaari waayeen buuxinta biyo xireenka Nile kaasoo Addis Ababa sheegeyso in ay ka dhalineyso koronto gobolka anfacda.

Masar oo 90% ku tiirsan biyo-xireenka ayaa ka cabsi qabta in ay waydo saamigeeda, balse waxaa walaacaas meesha ka saartay Itoobiya oo ku adkeysatay in biyo-xireenka uusan waxyeelan doonin socodka biyaha webigan taariikhiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM