Masar oo toogatay shaqsi lala xiriiriyey weerar saraakiil lagu dilay

Image

QAAHIRA, Egypt – Masar ayaa toogatay Abdelrahim Mohamed al-Mesmari, Liibiyaan maleegay weerar argagixiso oo 2017-kii ka dhacay degaanka saxaraha ah ee galbeedka dalkaas dhaca, sidda ay sheegtay waaxda difaaca.

Al-Mesmari ayaa 2015-kii lagu qabtay howlgal lagu goobayey koox lagu eedeeyay weerarkaas oo galaaftay nolosha 16 sarkaal oo boolis ahaa.

Maxkamad Milatariga ayaa 2019-kii ku xukuntay dil toogasho, halka 39 kale lagu ridday xabsi daa'in ah, iyadoo 20 kale lagu waayey wax dambi ah.

Koox lagu magacaabo Ansar al-Islam ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas, oo xoojiyey walaaca ay ciidamada nabad-gelyadda Masar oo Jaziirada dalxiiska caanka ku ah ee Sinai kula dagaalamaya tan iyo 2013-kii.

Markii lasoo xiray, al-Mesmari ayaa u sheegay baareyaasha in la xagjireeyay kadib kacaankii lagu riday hogaamiye Muammar Gaddafi.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta, al-Mesmari ayaa kadib ku biiray koox uu hogaamiyo Emadeddine Abdulhamid, oo ka tirsanaa ciidanka Masar.

Labadooda ayaa lagu waramayaa in ay lasoo shaqeeyeen sarkaal hore oo xagjirnimo isku bedelay, Hesham Ashmawi, kaasoo isla gudaha Masar lagu toogtay bishii Maaj sanadkan aynu ku jirno 2020 markii muddo uu maxbuus ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay inay iska difaacayso “duullaan ballaaran” oo Eritrea ku soo qaaday

Dagaallada dib u soo cusboonaaday ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in gobolka Geeska Afrika uu galo dagaal ballaaran.

  • Afrika

    10-10-2026

  • 11:27AM

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM