Mas'uul ku dhex-suuxay kulan su'aallo looga waydiinayey kiis musuqmaasuq

Image

ABUJA, Nigeria – Mas'uul Nigerian ah ayaa ku miyir-beelay tabin toos ah oo Xildhibaano uu kaga jawaabayey su'aallo la xiriira wax-is-dabamarinta dakhliga uu guddi horumarin kasoo uruuriyey gobol hodan ku ah shidaal.

Daniel Pondei, ku simaha agaasimaha guddiga horumarinta gobolka Delta Niger, ayaa kursigiisa ku dhex-suuxay in ka yar hal saac xilli uu horu-fadhiyey guddi ka tirsan Golaha Wakiilada ee baarlamaanka wadankaas.

Markii uu suuxay, mas'uuliyiin kala duwan ayaa gurmad u fidiyey – mid wuxuu isku dayey in uu ka hortago suurtagalnimada in uu matago, qaar way u babinayeen, kuwa kale biyo ayay madaxa kaga rusheeyeen.

Ka gedaal markii uu dib u helay miyir-qabkiisa, waxaa la arkayey isagoo la hadlaya qaar kamid ah saraakiishii badbaadisay ee gurmad u fidisay.

Guddiga ayaa aakhiritaankii fasaxay, waxaana la maqlayey qaar kamid ah oo u yeeraya gaadiidka gurmadka deg-dega ah. Hoolka shirarka ayaa laga saarey, isagoo ay garbaha ka haayaan booliska iyo laba shaqsi kale.

Guddiga uu hormuudka u yahay ayaa wajahayey eedeymo musuqmaasuq. Maamulka wuxuu ku adkeystay in dhamaan karashka oo ay ku jirto lacag loogu talagalay Covid-19 loo maareeyay sidii loo qorsheeyay.

Madaxweyne Maxamaduu Buhaari oo ka jawaabay wararka ku tagrifalka maaliyadeed ayaa xusay in dowladiisa ay qaadeyso talaabo kasta oo xididaha loogu siibayo kuwa carqaladeynaya horumarka gobokaas.

Baarlamaanka ayuu ka dhawaajiyey in uu baaritaan ku sameyn doono guddiga loo xilsaarey in ay maamulaan mashruucaas horumarinta ah.

Nigeria oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan qaaradda Afrika ayaa kamid ah wadamada kiisaska musuqmaasuqa ugu badan laga soo wariyo, waxaana dowladda ay mar walba u sheegtaa dadka in ay wax ka qabaneyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM