Mas'uul uu magacaabay Uhuru oo lala xiriiriyey dilka saddex Soomaali ah

Image

NAIROBI, Kenya – U dhaqdhaqaaqe arrimaha siyaasadda, Boniface Mwangi, ayaa shaaciyey qadiyado xasaasi ah oo ka dhan ah Aadan Kenyaan, oo Isniintii loo magacaabay xoghayaha xisbul-xaakimka waddanka Kenya ee Jubilee.

Aadan waa mid kamid ah dadka ka faa'iideystay ololaha ka dhanka ah xulafadda madaxweyne ku xigeenka William Ruto ee xisbiga.

Xildhibaanka Garissa ee Aadan Barre Ducaale ayuu ka bedeli doonaa wakiilnimada bulshooyinka xoola-dhaqatada ah ee dowladda ka tirsan.

Warqado maxkamadeed oo la faafiyey ayaa waxay muujinayaan in Aadan Kenyaan Wehliye uu horey u wajahay dacwado la xiriira dil.

Sidda laga soo xigtay dukumiintiyada uu baahiyey Boniface Mwangi, mudanaha ayaa horey loogu eedeeyay dilka saddex rag oo Soomaali ah isla markaana uu meydadkooda ku tuuray keymaha ku yaala magaaladda Ngong.

Warqaadaha ayaa intaas ku daraya in dilka raggaas uu ka dambeeyay markii Xildhibaanka dhul ku yaala Nairobi oo uu kaga iib-saday 34 milyan oo lacagta Kenya ah, balse ay been noqotay in uu isagu leeyahay.

Sanadkii 2003-dii ayaa lagu waramay in Aadan Kenyaan ay dacwaddaas kusoo oogtay Maxkamadda Sarre ee Kenya. "Maxkamada waxaa loo sheegay in Xildhibaanka uu ragga uu kasoo dhuuf-saday guriyahooda".

Sikastaba ha ahaatee, inkasta oo caddeymahaan ay jiraan, garsoore Kalpana Rawal ayaa 2005-tii ku dhawaaqday in Aadan lagu waayey wax dambi ah.

"Inkasta oo shaki xooggan aan ka qabo in uu ku lug-leeyahay dilka, balse caddeymaha ma ahan kuwa lagu maxkamadeyn karo eedeysanaha, Aadan Kenyan," ayaa lasoo wariyey in ay waqtigaas tiri Kalpana Rawal.

2015-kii, Aadan Kenyaan ayaa gudbiyey hindise sharci-yeed soo jeedinaya in wariyeyaasha "fadeexadeeya" sharci-dejiyeyaasha ama baahiya warar sumcad dil ah la xiro ama lagu ganaaxo 500-kun oo lacagta Kenya ah.

Xeerkaas oo aad loo mucaaraday ayaa sidoo kale dalbayey in la ciqaabo muwaadiniinta Kenya ee ka mudaaharaada talaabooyinka Xildhibaanadda ama ka dhawaajiya hadalo u muuqda kuwa lagu sumcad-dilayo mudaneyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM