Maxaabiis isku dayday in ay baxsato oo la toogtay; qaar kale oo fakaday

Image

ANTANANARIVO, Madagascar – Mas'uuliyiin dhanka ammaanka ah ayaa shaaca ka dhigay in toogasho lagu dilay 20 maxaabiis oo isku dayday in ay ka baxsato jeelka Farafangana ee wadanka Madagascar.

Dhacdadaan lasoo wariyey maalintii Axadii ee todobaadkan waxaa sidoo kale lagu qabtay 37 kale, iyaddoo lagu raad-joogo 31 kale.

Sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah, shaqaaqadan waxaa ku dhaawacmay sideed maxaabiis, kuwaasoo qaar liidato xaalkooda.

Dowladda ayaa sheegtey in ay ku dedaaleyso sidii ay u xaqiijin lahayd bad-qabka maxaabiista iyo in aysan ka fakan jeelasha lagu hayo.

Hay'adda Amnesty International ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa warbixin ay xaalada xabsiyada waddankaas kasoo saartey 2018-kii waxay ku warisay in ay ka buuxaan dad aysan maxkamad xukumin.

"Dadka waxaa dambiyadda loogu soo eedeeyaa si is-daba-joog, waxaana lasoo xiraa iyadoo aysan maxkamad xukumin, xabsiga ayayna ku sugnaa xukunka muddo sanado ah, taasoo keenta in ay jeelasha buux-dhaafiyaan dad aan dambi lagu helin," ayaa lagu yiri warbixintaas.

Jamhuuriyadda Madagascar oo dhacda Badweyne Hindiya; qiimeyn la sameeyay 2018-kii waxay muujineysaa in dadka qarankan ay ka badan yihiin 28 milyan; waana Jaziiradda labaad ee ugu weyn caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM