Maxkamad Sarre oo amartay in xabsi lagu sii hayo Jawar Maxamed

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Maxkamadda sarre ee Itoobiya ayaa bileyska siisay 14 maalmood oo dheeraad ah si ay u baaraan Jawad Maxamed, mid kamid ah hogaanka Golaha Federaaleynta gobolka Oromada.

Jawar ayaa laba todobaad kahor loo xiray tuhun ku saabsan "in uu qayb ka ahaa abaabulka" rabshadaha ka dhashay dilka fanaankii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa ee lagu toogtay caasimada Addis Ababa.

Xeerbeegtada ayaa muddeysay in dhageysiga kiiska Jawar uu dhici doono 30-ka bisha July ee sanadkan aynu ku jirno ee 2020-ka.

Fanaanka Hachalu oo kiisiisa loosoo qabtay laba ruux oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin urur ka goostay Jabhadda Xorreynta Oromada ayaa kamid ahaa shaqsiyaadka u ololeeya xuquuqda Oromiya.

Ku dhowaad 200 ruux oo isugu jira shacab iyo saraakiil boolis ayaa ku geeriyooday rabshadaha ka dhashay dilka Hachalu Hundessa.

Ra'iisul wasaare Abiy Axmed oo toogashadda ku qeexay "isku day la doonayey in lagu kiciyo colaad" ayaa tibaaxay in ay fashiliyeen.

Sikastaba, Jawad Maxamed ayaa sidoo kale wuxuu yahay aas-aasaha telefishinka Oromia Media Network, kaas oo qaybo kamid ah Ethiopia laga mamnuucay, waxaana lagu eedeeyay "buunbuuninta colaadda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM