Midowga Afrika oo xayiraad kusoo rogay Suudaanta Koonfureed

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Midowga Afrika ayaa Suudaanta Koonfureed ka joojiyey xubinimadda urur qaaradeedkaas kadib markii Juba ay ku fashilantay bixinta qaaraan-sanadeedka oo wadar ahaan dhan 9 milyan oo Doolar.

Howlgalka South Sudan ee Itoobiya oo Arbacadii qoraal u diray wasaarada arrimaha dibada ayaa ku wargeliyey in dalkan dhaca Geeska Afrika lagu soo rogay xayiraad markii 3 sano oo xariir ah uu bixin waayey qaaraanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Jimcadii xaqiijisay xayiraadda Suudaanta Koonfureed ee kamid ahaanshiyaha ururka Midowga Afrika.

Hakim Edward, ku xigeenka afhayeenka wasaaradda, ayaa xusay in xayiraadda aysan si toos ah u cirib-tireyn xubinimada Suudaanta Koonfureed, balse ay kaliya tahay mid looga joojiyey ka qeyb-qaadashada kulamada AU-da.

"Waxaan jeclaan lahayn in aan ku wargelino dadweynaha Suudaanta Koonfureed in ay tahay mid kamid ah wadamada uu xayiraada kusoo rogay Midowga Afrika sabab la xiriirta qaaraanka sanadlaha," ayuu ku yiri bayaan.

Wuxuu raaciyey: "Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa jeclaan lahayd in ay dadweynaha u wargeliiso in ay ka shaqeyneyso sidii ay u xalin lahayd qadiyadan oo ah mid aan kaliya aan quseyn AU-da, balse ururada kale".

Bishii July 27-deeda sanadkii 2011-kii ayay ahayd markii Suudaanta Koonfureed ay noqotay dalka 54aad ee xubinta ka ah Midowga Afrika; waddankaan colaaduhu la dageen wuxuu ka go'ay Suudaanta weyn kadib dagaalo qaraar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM