Milatariga Madagascar oo la wareegay talada kadib markii uu Madaxweyne Rajoelina ka baxay dalka

Image

ANTANANARIVO – Ciidamada milatariga ee dalka Madagascar ayaa si rasmi ah ula wareegay talada dalka, sida uu sheegay sarkaal sare oo katirsan ciidamada, kadib markii uu madaxweyne Andry Rajoelina ka dhoofay dalka iyadoo ay jiraan mudaaharaadyo xooggan oo ay hoggaaminayaan dhalinyarada.

“Tallaabada awood-qabashada ah waan qaadnay,” ayuu yiri Kornayl Michael Randrianirina oo horseed ka ahaa ciidamo gadooday oo ku biiray mudaaharaadayaal kasoo horjeeda dowladda, isagoo khudbad ka jeediyay raadiyaha qaranka.

Randrianirina ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada qalabka sida ay kala direen dhammaan hay’adaha dowladeed marka laga reebo golaha shacabka, kaasoo dhowr daqiiqo kahor u codeeyay xil-ka-qaadis lagu sameeyay Madaxweyne Rajoelina. Madaxweynaha ayaa isna dhinaciisa isku dayay in uu golahaas kala diro isagoo adeegsanaya amar madaxweyne.

Inkastoo uu Rajoelina dalka ka baxay isagoo raacay diyaarad milatari oo Faransiis ah, haddana waxa uu diiday in uu iscasilo, isagoo wajahaya cadaadis xooggan oo uga imaanaya dibadbaxyo ay hoggaaminayaan dhalinyaro jiilka Z (Gen Z) iyo goosashada ciidan oo baahsan.

Xafiiska madaxtooyada kama uusan hadlin hadalka Kornayl Randrianirina, balse horey ayay uga hadleen kulankii golaha shacabka iyagoo ku tilmaamay sharci-darro, go’aamadiisuna yihiin "waxba kama jiraan".

Madaxweyne Rajoelina ayaa sheegay in uu meel ammaan ah u guuray kadib markii la helay hanjabaado ku saabsan noloshiisa. Ilo-wareedyo kala duwan oo isugu jira siyaasiyiin mucaarad ah, sarkaal milatari iyo diblumaasi shisheeye ayaa u sheegay Reuters in uu dalka ka baxay Axaddii, isagoo raacay diyaarad militari oo Faransiis ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM