Mozambique: Qareenka siyaasi mucaarad ah oo la khaarijiyay

Image
Elvino Dias ayaa waxa uu qareen u ahaa murashax madaxwayne doorasho qabsoomeysa 10 casho kadib.

NAIROBI, Kenya - Qareenkii u doodayay nin mucaarad ah oo caan ka ah dalka Mozambique ayaa lagu toogtay magaalada caasimadda ah ee Maputo, isaga iyo sarkaal ay isku xisbi ka tirsan yihiin.

Elvino Dias wuxuu ahaa qareenka Venâncio Mondlane, kaasoo u tartamay madaxweynaha Mozambique isagoo matalaya xisbi siyaasadeed Podemos doorasho 10 maalmood kadib dhaceysa.

Dias ayaa la dhintay sarkaalka Podemos Paulo Guambe markii dabley ay weerartay gaarigooda.

"Waxaa si arxan darro ah loo fuliyay [dilkaas] dhiig qabow," ayay tiri kooxda xuquuqda maxalliga ah ee Xarunta Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda Aadanaha (CDD).

Mozambique waligeed waxaa maamula hal xisbi – Frelimo – kaas oo xukumayay dalka ku yaalla koonfurta Afrika nus qarni tan iyo markii uu xornimada ka qaatay Portugal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashadii Tanzania ma waafaqsana heerarka dimoqraadiyadda

Warbixintu waxay ku tilmaantay in doorashadu “aysan u hoggaansamin mabda’a AU, qaab-dhismeedyada caadiga ah.

  • Afrika

    06-11-2025

  • 06:38AM

"Dilaagii Al Fasher Abu Lulu": Waxaan rabay inaan dilo 2,000, laakiin tirada way dhaaftay

Abu Lulu, magaciisa dhabta ahna uu yahay Al Faateh Cabdullaahi Idriis, waa mid ka mid ah taliyeyaasha ugu cabsida badan ee RSF.

  • Afrika

    04-11-2025

  • 05:58PM