Abiy Axmed oo digniin diray: 10 jeer ka feker inta aadan kusoo duulin Itoobiya
ADDIS ABABA - Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa digniin culus u diray dal kasta oo qorsheynaya in uu soo weeraro Itoobiya, isagoo ku booriyay inay "ka fekeraan 10 jeer" ka hor inta aysan weerar ku soo qaadin Itoobiya, maadaama weerarkaas uu la kulmi doono iska caabin xooggan.
Inkastoo Abiy uusan si toos ah ugu talagalin dal gaar ah, hadalka uu jeediyay ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha la xiriira xiriirka Itoobiya iyo dalalka jaarka ah ee Soomaaliya iyo Masar.
Sannadkan hore, Itoobiya waxay heshiis badda ah la saxiixatay gobolka gooni isu taagga ee Somaliland, taasoo Soomaaliya ku tilmaamtay fal "aggression" ah.
Soomaaliya ayaa uga jawaabtay arrintan iyadoo xoojisay xiriirka milatari ee ay la leedahay Masar.
Somaliland, oo 30 sano ka hor ku dhawaaqday madaxbannaanideeda, ayaa weli loo arkaa qayb ka mid ah Soomaaliya iyadoo Muqdisho ay si joogto ah u sheegato.
Dhanka kale, Masar ayaa muddo dheer ku jirta muran la xiriira Dhismaha Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD) ee Webiga Niil, kaasoo Masar ka baqayso in uu halis galiyay kaydkeeda biyaha.
Wararka ayaa sheegaya in Masar ay qorsheyneyso in ay ciidamo u soo dirto Soomaaliya kadib heshiis milatari oo dhex maray labada dal bishii hore.
Intii uu ku guda jiray khudbaddiisa maalinta Xorriyadda ee Itoobiya, Abiy Axmed ayaa carabka ku adkeeyay in Itoobiya aysan doonaynin colaadda, balse uu digniin u diray "kuwa fog iyo kuwa dhaw" inay fahmaan in Itoobiya ay si xooggan uga difaaci doonto cid kasta oo isku dayda in ay soo weerarto.
Abiy ayaa sidoo kale sheegay, "Qof kasta oo doonaya in uu soo weeraro Itoobiya ha ka fiirsado hal mar oo kaliya, ee ha ka fiirsado 10 mar, maxaa yeelay waxa aan ku barannay Itoobiyaan ahaan waa sidii aan iskaga difaaci lahayn."
Xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sii kordhay, gaar ahaan kadib go'aanka Itoobiya ee ogolaanshaha Somaliland inay heshay marin deked.
GAROWE ONLINE